Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: Shaqaalaha rayidka ah ee DF oo bishii November aan helin mushaarkooda

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) – Shaqaalaha rayidka dowladda Soomaaliya ayaan helin mushaarka bishii lasoo dhaafay ee Novembar, sida ay ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo u xaqiijiyeen shabakadda Caasimada Online.

Shaqaalaha rayidka ayaa mushaaraadkooda heli jiray dhammaadka bil walba, gaar ahaan 27-ka iyo 28-ka bisha saddexdii sano ee lasoo dhaafay, marka laga reebo bilo dhowr, ah oo November ay ka mid noqotaya.

Xubno ka trisan Wasaaradda Maaliyadda oo codsaday inaan magacyadooda la shaacin ayaa noo sheegay in mushaaraadka bishii lasoo dhaafay ee shaqaalaha rayidka aan la bixin doonin, balse taas badalkeeda la bixin doono dhamaadka bishan, sida lagu war-geliyey.

Xukuumadii ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre ee dhamaadkii July la riday waxaa aad loogu amaanay in shaqaalaha rayidka ah ay wakhtiga loogu talo-galay ku heli jireen mushaarkooda, balse uu isbadal ku yimid tan iyo markii uu xafiiska ka baxay.

Wakhtiyada kala guurka waxaa inta badan dhaca in shaqaalaha rayidka aysan helin xaqii ay ku lahaayeen dowladda, taas badalkeedana lacagahaas lagu galo ololaha doorashada, inkasta oo aysan caddeyn in hadda kiiska uu sidaas yahay.

Ololahii Madaxweyne Farmaajo ee sanadkii 2016 waxaa ka mid ahaa in marnaba aysan kala dhantaali doonin mushaaraadka shaqaalaha rayidka ah isagoo wakhtigaas ku eedeynayay dowladdii ka horreysay ineysan muddo 6 bilood ah bixin shaqaalaha rayidka ah.

The post Xog: Shaqaalaha rayidka ah ee DF oo bishii November aan helin mushaarkooda first appeared on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this