Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: Puntland oo hal shardi ku xirtay codsi ku saabsan sii daynta Burcad-badeed u dhashay Galmudug

Recommended Posts

Deeq A.   
Galmudug.jpg?resize=960%2C720&ssl=1

Dhowaan waxa Puntland yimid xildhibaanno ka tirsan Baarlamanka Galmudug, kuwaas oo Puntland ka dalbaday in loo sii daayo Rag ku xukman  Burcad-badeednimo oo ku xiran xabsiga weyn ee Garoowe.

Xildhibaannada ka socday Galmudug, waxay xukuumadda Puntland ka codsadeen, in loo sii daayo Rag maxaabiis ah oo ku xukuman Burcad-badeednimo, kana soo jeeda dowlad goboleedka Galmudug.

Hayeeshee, Puntland way diiday dalabkaas, iyadoo sheegtay in maxaabiistan xukuman laga soo wareejiyay xabsi ku yaalla jasiirada Seychelles, kadib Heshiis dhexmaray Puntland iyo Seychelles.

Sidoo kale, waxay sheegtay in Heshiiska labada dhinac uu dhigayay, keliya  in maxaabiistu ay xukunkooda ku dhammaystan Puntland, sidaas darteedna aysan awood u lahayn sii dayntooda.

Xildhibaannada Reer Galmudug, ayaa haddana Puntland ka codsaday in maxabiistan loogu wareejiyo dowladda Soomaaliya, kadibna ay iyada kala hadli doonaan sii dayntooda.

Waxaase Puntland sheegtay, in codsigaas ay aqbali karto, haddii dowladda Soomaaliya si rasmiya uga dalbato in maxaabiista Burcad-badeeda ee Garoowe ku xiran  loo wareejiyo Muqdisho.

Xildhibaannadii ka socday Galmudug, ayaa dib ugu laabtay maamulkooda, si ay dowladda Soomaaliya uga codsadaan in la soo wareejiyo maxaabiista u dhashay Galmudug ee Garoowe ku xiran.

PUNTLAND POST

The post Xog: Puntland oo hal shardi ku xirtay codsi ku saabsan sii daynta Burcad-badeed u dhashay Galmudug appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this