Sign in to follow this  
Deeq A.

 Xog:Sida maktabad Islaami ahayed oo ku taallay Baqdaad oo la burburiyay u horseeday xisaabta casriga ah

Recommended Posts

Deeq A.   
 Sidii maktabad Islaami ah oo ku taallay Baqdaad oo la burburiyay u horseeday xisaabta casriga ah
.

Qarniyaal badan oo la soo dhaafay, maktabad Islaami ahayd oo caan ka ahayd caalamkal, waxay aheyd goobtii ay ka soo faracantay xisaabta carabiga ah. Balse markii dambe waa la burburiyay, mana aysan saameynin oo waxay horseeday isbaddal dhanka maaddada xisaabta ah ee guud ahaan dunida.

Waxaan la oran jiray ‘Daarul Xikma’. Ma jirto wax ka haray maktabaddaas qaddiimiiga ah, waxaa la burburiyay qarnigii 13-aa. La ma xaqiijin karo goobta rasmiga ah ay ku taallay ama sida ay u ekeyd muuqaal ahaan.

Akaadeemiyaddaas qiimaha lahayd waxay aheyd halkii ugu weyneyd ee cilmiga laga kororson jiray, waxayna ku taallay magaalada Baqdaad, xilliggii casrigii dahabiga ahaa ee Islaamka, waana goobta ay ka soo faracantay fikradda iyo cilmiga xisaabta guud iyo xisaabta carsiga ah ee carabta, gaar ahaan lambarada iyo astaamaha u gaarka ah xisaabta.

Maktabaddaas waxay ku billaabantay markii hore goob gaar aheyd ee xilligii hoggaamiyihii Islaamka, Haaruun Al Rashiid, dabayaaqadii qarnigii 8-aad, waxaana 30 sano kaddib, loo baddalay maktabadda dadweynaha. Koox seynisyahano ah oo laga soo xushay magaalada Baqdaad ayaa wax ku dhaalacan jiray halkaas.

Dad ka soo kala jeeday diimaha kale sida Yuhuudda, kiriistaanka ayaa loo ogolaaday in ay wax ka bartaan maktabaddaas Islaamiga ahayd ee Baqdaad ku taallay.

Maktabad

Maktabadda waxay noqotay xarun lagu barto maddooyinka kala duwan sida xisaabta, cilmu falaga, cilmiga dawooyinka, kiimistriga, joqraafiga, falsafadda, suugaanta iyo culuum kale.

Maktabaddaas oo la oran jiray ‘Gurigii xikmadda’ waxaa la burburiyay markii ciidamadii Mongoliya ay qabsadeen magaalada Baqdaad, sannadkii 1258, sida ay sheegeen aqoonyahanada, waxaana lagu soo warramaaya in xilliggaas qoraalladii iyo buugaagtii yaallay maktabadda ay ku daadiyeen webiga Tigris ee mara Baqdaad. Waxaa webiga baddalay khaddii madoobeyd ee ku qorneyd buugaagta iyo looxyda.

Fibonacci oo ahaan jiray aqoonyahan ku takhasusay cilmiga xisaabta kuna dhashay Talyaaniga, sannadkii 1170, ayaa diiradda saarayay sidii uu ku fahmi lahaa fikradaha iyo cilmiga seynisyhannadii Islaamka, gaar ahaan qaababka loo xalliyo xisaabta, nidaamka xisbaata iyo xisaabta Aljebra, wuxuuna inta badan ku tiirsanaa nidaamkii xisaabta ee uu dejiyay qarnigii 9-aad, ninkii Muslimka ahaa ee la oran jiray Al-Khwarizmi.

Al-Khawrizmi waxaa inta badan lagu tiriyaa aabihii xisaabta Aljebra, waana kalmad ka timid luqadda Carabiga. “Al Jabra” micnaheedu waa “dib u soo celinta qeybihii maqnaa”.

Al Khawrizmi waxaa sannadki 821 loo magacaabay madaxii climul-falagga iyo madaxii maktabadda ‘Daarul Xikma’.

Fibonacci wuxuu daneynayay cilmiga iyo fikradaha Al Khawarzimi
Fibonacci wuxuu daneynayay cilmiga iyo fikradaha Al Khawarzimi

Markii dambe qoraallo iyo keyd laga helay maktabadda ayaa horseeday in la helo cilmiga xisaabta gaar ahaan hab qoraaleedka xisbaata iyo calaamadaha u gaarka ah, waxaana markii dambe cilmigaas qaatay maamulaadii Islaamka soo maray, qaaradda Yurub iyo guud ahaan dunida.

“Arrinta muhiimka ah ma ahan halkii rasmiga aheyd ay ku taallay maktabadda ama sida loo dhisay maktabadda, balse arrinta xiisaha leh waxay tahay taariikhda dheer ee ay ku leeyihiin curinta fikradaha seyniska iyo sida ay ku heleen arrintaas iyo natiijada ka dhalatay,” ayuu yiri Jiim Al Khaliil oo ah profesoor ku takhasusay cilmiga fiisikiska oo kana tirsan jaamacadda Surrey ee Britain.

Al Khwarizmi wuxuu ka mid ahaa aqoonyahannadii Islaamka ee curiyay xisaabta ‘Lambarka Jajab tobanlaha’ ama ‘Decimal Number’, waxaana markii dambe fikraddiisa Yurub gaarsiiyay seynisyahan kale oo la oran jiray Leonardo da Pisa, sida uu sheegay Al Khaliil.

“Dadka qaar waxay ku doodayaan in maktabadda ay aheyd mid caan ah, balse kaalintii ay ku lahaayeen khubaradii Islaamka, sida Al Khawarizmi, gaar ahaan shaqadiisii ku aadaneyd xisaabta, cilmul-falagga iyo joqraafiga, ay yihiin caddeyn xooggan oo muujineysa in maktabadda ay aheyd akaddeemiyda dhab ah, balse aysan aheyn oo kaliya xarun dhexe oo lagu keydiyo cilmiga iyo buugaagta la turjumay,” ayuu yiri Al Khaliil.

Aqoonyahannadii iyo dadkii turjumi jiray buuggaagta ee ku sugnaa maktabaddaas waxay dedaal dheer u galeen sidii buugaagtooda ay ku heli lahaayeen dadweyne akhrista.

“Maktabadda waxay aheyd xarun muhiim iyo aasaasi u ah aqoonyahandii carabta ee fikradihii cilmiga Giriigga u baddalay luqadaha kale, waxay horseedeen in aan fahano xisaabta,” ayuu yiri Barrow Green oo ah profesoor ku takhasusay cilmiga taariikhda xisaabta ee Jaamacadda Open University ee ku taallo UK.

Maktabadda waxay aheyd goobtii laga dhaxlay fikradaha xisaabta waana goobta laga soo curiyay fikradaha seyniska.

Waxay fikrahoodu xoojiyeen fahanka ku aadan sida ay u shaqeeyaan lambarada xisaabta. “Waxay ina tuseen in qaabka ay wax u dhigayaan reer galbeedka aysan aheyn, balse waxaa jiray habab gaar ah oo kaa caawinaya fahanka nidaamka xisaabta iyo lambarada kala duwan,” ayuu yiri Barrow-Green.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this