Sign in to follow this  
Deeq A.

Murushax Jabriil Ibraahim oo olole ka duwan kuwii hore ka wada dalka gudihiisa

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Musharax Jabriil Ibraahim Cabdulle, oo u taagan xilka madaxweynaha Soomaaliya, ayaa olole xooggan ka wada magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

Jabriil oo ka mid ah musharaxiinta ugu cad-cad loolanka, balse dad badan aysan ka war hayn, ayaa Muqdisho kulamo hoose oo aan warbaahinta loo gudbin kula yeelanaya odayaasha dhaqanka, siyaasiyiin iyo madaxweynayaal hore, xildhibaano, aqoonyahano iyo dhallinyaro.

Qorshaha ololaha doorashada Jabriil ayaa ah inuu aragtidiisa siyaasadeed u bandhigo shacabka iyo dadka saameynta leh, intii uu waqti ku lumin lahaa warbaahinta.

Waxa uu sidoo kale la hadlayaa xildhibaanada hadda fadhiya, iyo kuwa cusub ee is-sharxaya, una bandhigayo qorshihiisa siyaasadeed, si uu taageero badan u xaqiijiyo ka hor doorashada.

Dad ku dhow ayaa sheegay in taas ay tahay sababta inta badan kulamada Jabriil aan lagu soo bandhigin baraha bulshada iyo warbaahinta, ama xitaa inta badan aanu sawirro iska qaadin

Musharaxiinta ku sugan magaalada Muqdisho ayaa waxa ay si gaar ah u sameeysteen wariyayaal iyo sawir-qaadayaal daba ordaya, taasi oo sida la sheegay Jabriil uu diiday.

Qorshahan ayaa sidoo kale ujeedkiisa uu yahay in musharaxiinta kale ee mucaaradka iyo musharax madaxweyne Farmaajo aysan xog badan ka helin ololaha doorashada Jabriil iyo dadka uu la kulmayo.

The post Murushax Jabriil Ibraahim oo olole ka duwan kuwii hore ka wada dalka gudihiisa first appeared on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this