Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Deni oo ku baaqay in la xaliyo tabashada ka jirta doorashada

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta ka qeyb-galay Madasha Iskaashiga Soomaaliya iyo Caalamka, oo ay ka qeybgaleen dowladda Federaalka ah, dowladdaha xubnaha ka ah iyo wakiillada Beesha Caalamka iyo wadamada daneeya arrimaha Soomaaliya.

Siciid Deni, ayaa hadal jeedintiisa kaga hadlay horumarka Puntland gaartay labadii sano u dambeeyay, saameynta Covid-19, Ayaxa iyo duufaanta GATI, xaaladda dalku marayo, gaar ahaan arrimaha doorashada, Kheyraadka iyo dib-u-eegista Dastuurka.

Madaxweynaha ayaa ku baaqay in la isugu yimaado shir deg deg ah, si loo xaliyo tabashooyinka la xiriira doorashada 2020/2021-ka.

Sidoo kale wuxuu soo jeediyey in dib-u-eegista Dastuurka laga wada xaajoodo doorashada kadib, si loogu helo wakhti ku filan oo looga baaraandago.

Kulanka oo ku qabsoomay hab maqal iyo muuqaal ah, ayaa waxaa uu ahaa shirkii 5aad ee Madasha Iskaashiga Soomaaliya iyo Caalamka oo sanadkiiba hal mar la qabto.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this