Sign in to follow this  
Deeq A.

Xildhibaanada gobollada Waqooyi oo taageeray guddiyada doorashada

Recommended Posts

Deeq A.   

Xildhibaan Caasho Koos oo ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka federaalka ah ee Soomaalliya ee ka soo jeeda gobollada Waqooyi ayaa shaaca ka qaaday in tirada ugu badan xildhibaanada ka soo jeeda Somaliland ay taageersan yihiin guddiyada doorashada dalka.

Caasho Koos oo wareysi gaar ah siisay Shabelle ayaa sheegtay in illaa 47 xubnood oo ka mid ah 57-da xildhibaan ee gobollada Woqooyi ee kumetala labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya ay taageersan yihiin guddiyada la magacaabay ee doorashooyinka dalka.

Sidoo kale waxa ay intaasi ku dartay inay ku qanacsan yihiin hannaanka ay dowladda federaalka u wajaheyso arrimaha doorashada ee 2020 illaa 2021-ka.

Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyada oo weli muran uu ka taagan yahay guddiyada doorashada dalka oo ay horey walaac uga muujiyeen musharraxiinta mucaaradka.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this