Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: Dowladda Somalia oo qorsheysay in doorashada dalka la billaabo iyo xilliga

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaysa in dowladda federaalka Soomaaliya qorsheysay in qabashada doorashada dalka laga billaabo degaanada maamulada Koonfur Galbeed iyo HirShabeelle, 10-ka bishaan.

Wararka ayaa sheegaya in deegaanadaas laga billaabi doono ururinta iyo diiwaan-gelinta ergooyinka ka qeyb-galaya doorashada xildhibaanada, kuwaas oo ay isla soo xuli doonaan odayaasha iyo maamulka.

Xildhibaanada baarlamaanada labadaas maamul ayaa sidoo kale lagu wargeliyay in la gudo geli doono hanaanka doorashada xubnaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya, inkasta oo aysan caddeyn waqtiga rasmiga ah.

Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka HirShabelle ayaa Caasimada Online u sheegay in lagu wargeliyay in ay ku soo laabtaan Jowhar, islamarkaana u diyaar garoobaan doorashada Xildhibaanada Aqalka Sare.

Sidoo kale Xubno kamid ah baarlamaanka Koonfur Galbeed ayaa sheegay in sidaas oo kale lagu wargeliyay in ay diyaar garoobaan.

Guddiga doorashada heer federal ee lagu muransan yahay ayaa guddoomiye u doortay Maxamed Xasan, halka Mowliid Mataan loo doortay guddoomiye ku-xigeen, arrintan oo qeyb ka ah dardar gelinta doorashada.

Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in Madaxda Dowladda Soomaaliya ku heshiiyeen in doorashada qabsoonto, islamarkaana wixii tabasho dib laga xaliyo. Doorashada ayaa ka bilaaban doonto oo kaliya HirShabeelle iyo Koonfur Galbeed halka kuwa kalane ay ku xigi doonaan.

Arintaan ayaa haddii ay dhacdo waxaa laga cabsi qabaa in ay dhaliso halis weyn oo ammaanka Soomaaliya ah. Dowladda Soomaaliya ayaa u muuqato in ay ka fureysatay doodaha iyo qataraha ku geedaaman doorashada Soomaaliya.

The post Xog: Dowladda Somalia oo qorsheysay in doorashada dalka la billaabo iyo xilliga first appeared on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this