Sign in to follow this  
Deeq A.

Musharaxiinta oo 3 qodob kasoo saaray ‘xasillooni darro ay ku eedeeyeen Farmaajo iyo Fahad Yaasiin

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – War-saxaafadeed ka soo baxay golaha midowga musharaxiinta madaxweynaha Soomaaliya ayaa walaac looga muujiyey sida ay dowladda federaalku u maareysay dhismaha maamulka HirShabeelle, gaar ahaan tabashada aan weli xalka laga gaarin ee reer Hiiraan, iyagoo si gaar ah ugu eedeeyey Farmaajo iyo Fahad Yaasiin.

“Golaha Midowga Murashaxiinta wuxuu walaac xoog leh ka muujinayaa xaaladda xasillooni darri ee ka soo cusboonaatay Gobolka Hiiraan, taasoo ay abuurtay Dowladda Federaalka ah, gaar ahaan madaxweynaha iyo taliskiisa Nabadsugidda,” ayaa lagu yiri qoraalka musharaxiinta.

Sidoo kale waxay hoggaanka dowladda federaalka ku eedeeyeen inay gobolka Hiiraan ka wadaan kicin iyo kala qeybin beelaha dhexdooda ah, iyagoo sheegay in taasi ay liddi ku tahay dhismaha nabadda iyo dowlad dhiska Soomaaliyeed.

“Goluhu wuxuu u arkaa in hoggaanka Dowladda halkii uu ka abuuri lahaa nabadeynta beelaha walaalaha ah ee Hir-Shabeelle uu ku hawlan yahay kicinta iyo kala qeybinta beelaha Gobolka. In la iska horkeeno dadka iyo qabaa’ilka walaalaha ah ee wada dega Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle waxey liddi ku tahay dhismaha nabadda iyo dowlad dhiska Soomaaliyeed, waxey kale oo ay dhaawaceysaa dadaalka loogu jiro dhismaha Hir-shabeelle loo dhanyahay,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Golaha midowga musharaxiinta ayaa qoraalkiisa ku xusay seddax qodob oo baaq ah, iyagoo sheegay inay diyaar u yihiin ka qeyb qaadashada xalinta khilaafka hareeyey maamulka curdunka ah ee HirShabeelle.

“Goluhu isagoo ka walaacsan xaaladaha waddanka ka taagan wuxuu ku baaqayaa”

1- In hoggaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya uu joojiyo hagardaameynta shacabka Hiiraan, dhageystana tabashada ay qabaan, qaataanna masuuliyadda ka saaran xallinta tabashada shacabka Gobolka.

2- In la dhawro xasilloonida, walaalnimada iyo wada noolaanshaha shacabka HirShabeelle, lana joojiyo wax kasta oo fidno iyo fowdo abuuri kara.

3- Goluhu wuxuu diyaar u yahay in uu gacan ka geysto xallinta khilaafka taagan si loo helo Hir-Shabeelle loo dhanyahay, xasiloon, nabadna ah.

War-murtiyeed-Xaallada-Gobolka-Hiiraan-1

The post Musharaxiinta oo 3 qodob kasoo saaray 'xasillooni darro ay ku eedeeyeen Farmaajo iyo Fahad Yaasiin first appeared on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this