Sign in to follow this  
Deeq A.

Xildhibaano taageersan madaxweyne Farmaajo oo ku shiray Muqdisho (Daawo)

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka dacay kulan ay ka qeyb galeen xubno isagugu jira wasiirro, siyaasiyiin kale iyo xildhibaanada labada gole ee baarlamanaka federaalka ee kasoo jeeda gobollada waqooyi.

Shirkan oo soo qaban qaabiyeen dhallinyarada kasoo jeeda gobollada waqooyi ayaa looga hadlay arrimaha doorashada dalka, waxayna dhinacyadii isugu yimid shirkaas sheegeen in ay taageersanyihiin guddiyada lagu muransanyahay ee doorashada oo xubnaha ku metelaya Somaliland ay xukuumaddu magacaawday.

Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed, wasiirka warfaafinta Cusmaan Dubbe, kan maaliyadda Cabdiraxmaan Ducaale Beyle iyo xubno kale ayaa ka soo qeyb galay kulankaas, waxaana dadkii hadalka ka jeediyey ka mid ahaa Mahdi Guuleed oo sheegay in guddiyada doorashada xubnaha ku metelaya Somaliland ay saxiixiisa ku yimaadeen.

“Waxaan arkeynay dad dhahaya cid nagu metelaysay ma jirto heshiiskii laga gaaray doorashada, taasi waa been anigoo idinka idin metelaaya ayaan qeyb ka ahaa saxiixayaasha heshiiska doorashada iyo habraacyada seddaxda ah ee lagu dhisaayo guddiga doorashada heer federal, heer dowlad goboleed iyo guddiga xalinta khilaafaadka ee heer federal, seddaxdaba magaceyga iyo saxiixeygaa ku yaalla, taas macnaheydu waa inaan idinka idinku metelaayey,” ayuu yiri Mahdi Guuleed.

Waxa uu sheegay in habraacaas ay ku kalsoonyihiin, isagoo ka dhawaajiyey in dhalinyarada ay ku soo dhaweynayaan siyaasadda, “Aan tartan walaaleheen cidii ay u codeeyaan xildhibaan qaran ha noqdo,” ayuu hadalkiisa ku sii daray.

Waxa uu sheegay inay aad u jeclaan lahaayeen in madaxweyne Farmaajo uu xukunka ku soo laabto, si taasi u dhacdana ay xod-xodashada sii wadi doonaan.

“Waxaanu diyaar u nahay doorasho, waxaan diyaar u nahay in doorasho loo dareero oo aan is doorano, laguna kala nabad galo. Muran kasta oo yimaada wuxuu dib u dhigayaa doorashada,  Taa macnaheedu ma waxa ay tahay doorasho diyaar uma ahiye dib ha la iigu dhigo, Doorashada wakhtigeeda ayaan ku qabaneynaa, Hadii ay tabasho jirto diyaar baa loo yahay in lagu dhageysto,” ayuu kulankaas ka yiri Mahdi Guuleed.

Hoos ka Daawo

The post Xildhibaano taageersan madaxweyne Farmaajo oo ku shiray Muqdisho (Daawo) first appeared on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this