Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland oo jaan-goysay Sarrifka Dollarka si loo xakameeyo Sicir-bararka

Recommended Posts

Deeq A.   

Xukuumadda Puntland ayaa shaacisay in joon-goyn rasmiya loo sameeyay Sarrifka Lacagta Dollar, si loo xakameeyo Sicir-bararka baahsan ee ka taagan degaannada Puntland.

Wasiirka Ganacsiga Puntland Cabdullaahi Cabdi Xirsi, oo ay weheliyaan mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradaha Maaliyadda iyo Warfaafinta, ayaa shaaciyay in Sarrifka halkii Dollar ($1) lagu jaan-gooyay 35,000 oo Shiling Soomaali ah, si loo xakameeyo Sicir-bararka.

Wasiirka ayaa sheegay in jaan-goynta Sarrifka, uu sameeyay Bankiga dhexe ee Puntland, kaas oo Sarrifka ($ 1 Dollar) ka dhigay 35 kun oo Shiling, si looga soo kabto qiima dhaca ku yimid Shiling Soomaaliga oo keenay sicir-bararka.

Sidoo kale, wuxu sheegay in aysan dowladdu diidin Lacagta Shiling Soomaaliga ah, islamarkaana dowladaha hoose lagu amray in ay canshuurta ku qaadaan Shiling Soomaali.

PUNTLAND POST

The post Puntland oo jaan-goysay Sarrifka Dollarka si loo xakameeyo Sicir-bararka appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this