Sign in to follow this  
Deeq A.

Xubno ka tirsanaa Al-Shabaab oo lagu dilay gobolka Sh/Hoose

Recommended Posts

Deeq A.   

Ciidanka Xoogga dalka oo howlgal qorshaysan ka fuliyay deeganno ka tirsan gobolka Shabeelaha Hoose ayaa waxa ay ku dileen xubno ka tirsanaa Al-Shabaab.

Howlgalka ayaa si gaar ah waxa uu uga dhacay deegaanada Walla-galeen, Galka Saalimow, Dahaad, Ceel maracade iyo Garas Gawaan oo ka tirsan gobolka Shabeelaha hoose.

Taliyaha ciidanka dhulka ee Xoogga dalka Jen. Maxamed Tahliil Biixi oo la hadlayay warbaahinta ayaa sheegay in howlgalkaas ay ku dileen illaa 11 xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab, kuwaas  oo uu ka mid ahaa sarkaalkii watay ciidankaas.

Sidoo kale Taliyaha ayaa sheegay inay burburiyeen goobo Al-Shabaab dadka ugu qaadayeen lacago.

Ciidanka Xoogga dalka ayaa muddooyinkii u dambeeyay waday howlgallo qorshaysan, waxaana howlgaladaas fulinayay ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee Danab.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this