Sign in to follow this  
Deeq A.

Daawo: Xasan Cali Kheyre oo ka hadlay sababta uu u doonayo madaxweynenimo

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Musharrax madaxweyne, Xasan Cali Khayre ayaa xalay xaruntiisa ololaha casho sharaf ugu sameeyay in ka badan Lixdan xildhibaan oo kamid ah baarlamaanka dowlad goboleedka Galmudug, xili uu taagan yahay muran la xiriira doorashada.

Kheyre ayaa xildhibaanadaas kala hadlay arrimo badan oo ay kamid yihiin doorashada iyo dib-u-dhiskii Galmudug iyo sida loo sii horumarin karo, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Xafiiska musharaxa Kheyre.

“Xildhibaannada oo aad ugu dheeraaday ka sheekeynta dowrkii Xasan Khayre ee dib-u-dhiska Galmudug ayaa uga mahad celiyay kartida iyo adkeysiga uu muujiyay intii uu ku guda jiray dadaallada ka mira dhalinta qorshaha dhidibba u taagidda Galmudug loo dhanyahay oo ka qeyb qaadata horumarka dalka,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Xasan Cali Khayre oo hadal u jeediyay xildhibaannada ayaa si weyn ugula dardaarmay in qeybtooda uga aadan ay ka qaataan dib-u-dhiska guud ahaan iyo inay ka shaqeeyaan hannaan doorashada dalka oo muddo yar ay inaga xigto.

Waxa kale oo uu carabka ku adkeeyay in Kursiga uu u tartamayo u raadinayo sidii uu dadka iyo dalka Soomaaliyeed uu wax ugu qaban lahaa, balse uusan u rabin dano gaar ah iyo kuwa shaqsi ahaaneed.

“Aniga waxaan ahay musharrax madaxweyne sida dad kale oo badan ay yihiin, waxaan u raadinayaa Kursiga Madaxweynanimada inaan Dadka iyo Dalka Soomaaliyeed wax ugu qabto ee inaan ku fariisto u raadinmaayo, waxaana aaminsanahay in ummadda Soomaaliyeed oo dhan ay ka faa’iidi doonto hadii Allah igu guuleeyo safarkaas aan u socdo,” ayuu yiri musharrax Madaxweyne Xasan Cali Khayre.

Ugu dambeyntiina mudanayaasha ayaa u balan qaaday Kheyre inay qaadan doonaan talooyinkiisa ku aaddan joogteynta dadaallada lagu horumarinayo guulaha la gaaray, iyagoona kula dardaamay marka uu ku guuleysto madaxtinimada dalka inuu dhammeystiro dib-u-dhiskii dowlad gobaleed Galmudug loo siman-yahay.

The post Daawo: Xasan Cali Kheyre oo ka hadlay sababta uu u doonayo madaxweynenimo first appeared on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this