Sign in to follow this  
Deeq A.

XOG: Madaxweyne Deni oo ku wajahan Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maalmaha soo socda ku wajahan magaalada Muqdisho, si loo dhaqaajiyo Arrimaha Doorashada 2020/2021 oo muran xooggan hareeyay.

Dad xog-ogaal ah, oo diiday in magacyadooda la xigto, ayaa Puntland Post u xaqiijiyay in Madaxweyne Deni uu maalmaha soo socda ku wajahanyahay Muqdisho, islamarkaana socdaalkiisu la xiriiro xal u helidda muran xooggan oo ka taagan Guddiga Doorashooyinka heer Federaal, kuwaas oo ay diidan yihiin Midowga Murashixiinta Muqdisho.

Madaxweyne Deni, ayaa hore u diiday codsi uga yimid Murashixiinta ku sugan Muqdisho, kadib markii ay ka dalbadeen in uu beddelo xubno ka tirsan Xafiiskiisa, oo uu ku darsaday Guddiga Doorashada 2020/2021 iyo Guddiga Xallinta Khilaafaadka.

Waxaase jira culays ka imaanaya qaar kamid ah Wakiilada Beesha Caalamka, oo doonaya in Guddiga Doorashada heer Federaal laga saaro xubnaha Shaqaalaha ka ah dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada dalka, si loo ilaaliyo Madax-bannaanida Guddigaas.

PUNTLAND POST

The post XOG: Madaxweyne Deni oo ku wajahan Muqdisho appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this