Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: Qorshaha cusub ee DF diyaarisay ee lagu wiiqayo saameynta mucaaradka

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay oo ku sugan Villa Somalia ayaa Caasimada Online u sheegay in madaxtooyada Soomaaliya ay qorsheysay inay wada-hadal la furaan madaxweynayaasha Jubaland iyo Puntland, si meesha looga saaro awoodda mucaaradka.

Wararka aan helnay ayaa sheegaya in madaxtooyada ay rumeysan tahay in haddii lala heshiiyo Axmed Madoobe iyo Saciid Deni uu la heshiin doono Madaxweynaha Soomaaliya, ay keeni doonto in meesha laga saaro mucaaradka oo hadda garabka ugu weyn ka heesto labadaas maamul.

“Waxaa la qorsheeyay in lala heshiiyo labdaas maamul si doorashada loo galo iyadoo ay heshiis yihiin dowlad gobaleedyada iyo dowladda dhexe, markaas waxaa meesha ka bixi doono mucaaradka,” ayuu yiri xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya oo la hadlay Caasimada Online.

“Haddii ay doorashadu isku raacaan madaxda dowladda iyo kuwa kale waxaa laga maarmi doonaa doodda iyo qeylada mucaaradka maadaama heshiiska markii horaba u dhaxeeyay dowladda federaalka iyo maamullada dalka,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay xildhibaankan oo la hadlay Caasimada Online.

Si kastaba, ma cadda haddii Saciid Deni iyo Axmed Madoobe ay aqbali doonaan qorshaha Villa Somalia. Si gaar ah Axmed Madoobe, oo dhowaan ay dowladda ku eedeysay inuu dowladda Kenya kala shaqeynayo fashilinta doorashada.

Dowladda ayaa sidoo kale qorsheyneysa inay maamul cusub ka dhisto Jubaland, si meesha looga saaro Axmed Madoobe.

Wali waxaa taagan dooda ku saabsan arimaha doorashada Soomaaliya iyadoo waqtiga gabo-gabo yahay. Dowladda Soomaaliya ayaa ilaa hadda aamusan waxaana laga cabsi qabaa in todobaadkaan ay gaarto go’aan adag.

The post Xog: Qorshaha cusub ee DF diyaarisay ee lagu wiiqayo saameynta mucaaradka first appeared on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this