Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddiga doorashooyinka oo doortay guddoomiye & ku xigeen

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddiga hirgelinta doorashada ee heer federaal ayaa maanta doortay guddoon cusub, si loo dardar-geliyo howlaha doorashooyinka soo socda ee 2020/2021-ka.

Guddoomiyaha guddiga ayaa waxaa loo doortay Maxamed Xasan Maxamed oo helay 17 cod, halka Liibaan Abuukar Cismaan oo la tartamay uu isna helay 3 cod oo kaliya.

Sidoo kale waxaa guddoomiye ku xigeenka guddiga hirgelinta doorashada heer federaal ku soo baxay Abuukaate Mowliid Mataan, kadib markii uu tanaasulay Yuusuf Maxamed Kheyr.

Guddiga doorashooyinka oo weli lagu muransan yahay ayaa waxaa hor-yaallo shaqooyin ay ugu horreyso qabashada doorashada oo isugu jirto tan baarlamaanka & madaxweynaha

 

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this