Sign in to follow this  
Deeq A.

Musharaxiinta Mucaaradka oo sheegay in boob lagu hayo hantida qaranka

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) – Golaha ay ku midoobeen musharaxiinta mucaaradka ayaa walaac xoogan ka muujiyay heshiisyada ay xilligaan kala guurka ah dowladda dhexe la galeyso shirkadaha baara shidaalka.

Warqad ay soo saareen ayey ku sheegeen in arintaas ay tahay boob hanti qaran oo aan geed loogu soo gamban, maadaama dalka uu hadda ku jiro marxalad kala guur ah.

Wasaaradda Batroolka ayaa mudooyinkii ugu dambeysay ka shaqeyneysay ruqsad siinta shirkado laga leeyahay dalka Turkiga, waxaana wafdi wasaaradda ka socda uu maalmahii ugu dambeeyay ku sugnaa wadankaas.

Golaha ay ku midoobeen musharaxiinta mucaaradka waxey nasiib darro u arkaan in xiligaan lagu soo beego heshiisyada arinta Batroolka.

HALKAAN KA AKHRISO QORAALKA GOLAHA:

WW.jpg

The post Musharaxiinta Mucaaradka oo sheegay in boob lagu hayo hantida qaranka first appeared on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this