Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: Qoorqoor oo kasoo baxay xujadii ay ku xireen musharaxiinta mucaaradka

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa maalmahii ugu dambeeyay waday inuu waan-waan ka dhex abuuro dowladda dhexe iyo musharaxiinta mucaaradka ee diidan qorshayaasha loo dhigayo hanaanka doorashooyinka.

Ilo ku dhaw madaxweynaha ayaa sheegay inuu kasoo baxay xujadii ay ku xireen xubnaha mucaaradka taasoo aheyd inuu wakaalad kala yimaado madaxweyne Farmaajo iyo taliyaha nabad sugidda Fahad Yaasiin Xaaji Daahir.

Xogta waxey sheegeysaa in Qoorqoor uu helay wakaalada dhinaca dowladda dhexe, taasna ay keentay inuu dib u bilaabo la kulanka musharaxiinta mucaaradka, kuwaas oo si adag u diidan guddiyada doorashooyinka ee la magacaabay.

Dhanka kale, Qoorqoor wuxuu buuxinayaa kaalintii ra’isul wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo horay u sheegay inuu u dhaxeyn doono musharaxiinta mucaaradka iyo dowladda dhexe, balse lagu eedeeyay inuu dhinac ka yahay ololaha madaxweyne Farmaajo iyo dhibaatooyinka jira.

Si kastaba, Axmed Qoorqoor wuxuu wadi doonaa kulamo gaar-gaar ah uu la yeelanayo xubnaha musharaxiinta, wuxuuna isku dayi doonaa isagoo ka wakiil ah dowladda dhexe inuu la farisito xubnaha diidan hanaanka wax loo wado.

Sidoo kale tabashooyinka jira waxaa qeyb ka ah maamulka Jubbaland oo aaminsan in dowladda dhexe ay ka baxday heshiisyadii ay la galeen dowladaha xubnaha ka ah.

The post Xog: Qoorqoor oo kasoo baxay xujadii ay ku xireen musharaxiinta mucaaradka first appeared on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this