Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: Saraakiisha Ahlu-Sunna oo Muqdisho looga yeeray iyo cabsi ku saabsan in xeelad loo degay

Recommended Posts

Deeq A.   

Dhuusamareeb (Caasimada Online)-Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa qorsheyneysa in saraakiishii ay kala wareegtay ururkii Ahlu-Sunna in dhammaantood laga soo qaado deegaanada Galmudug, isla markaana Muqdisho looga furo tababar, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Saraakiil u badan kuwii la shaqeyn jiray Ahlu-Sunna ee dowladdu qarameysay ayaa lagu amray inay ku soo xaroodaan Akadeemiyada Booliska Soomaaliya ee Jeneraal Kaahiye, oo ku taalla degmada Xamar-Jajab ee gobolka Banaadir.

Tirada saraakiishaas ayaa gaareysa 64-qof, waxayna kala heystaan darajooyin kala duwan, iyadoo lagu war-geliyey dhamaantood in 10-ka bishan December ay ku soo xaroodaan dugsiga tababarrada ciidanka ee Jeneraal Kaahiye ee Muqdisho.

Mid ka mid ah saraakiishaas ayaa Caasimada Online u sheegay in aysan garaneyn sababta ka dambeysa in dhamaantood laga soo qaado deegaanka iyo inta badabar aysan garaneyn heerka uu yahay dib loogu celiyo, isagoo nala wadaagay warqadaha amarkaas lagu bixiyey.

“Ma garaneyno sababta ka dambeysa arrintan, markii aan aragnay warqada ka soo baxday Taliska guud ee booliska, waxaan la xariirnay hoggaanka Akadeemiyada booliska ee Jeneraal Kaahiye oo warqadan lagu socodsiiyey, waxaan ku dhahnay maxay yihiin waxa aanaa aqoon ee aad hadda na bareysaan? Waxayna nagu dhaheen anaga waxaba kalama socono arrintiina, balse waxaa nalaku amray in aan tababar cusub idiin furno” ayuu yiri sarkaalka la hadlay Caasimada Online oo naga codsaday in magaciisa aanaa adeegsan.

Isagoo sii hadlayey ayuu yiri, “Horta tuhun badan ayaan qabnaa arrintaana laba mid ayey noqoneysaa, in shaqa cusub naloo diri rabo iyo in deegaanka nalaga raafi rabo oo ay tahay qorshe doorashada la xariira.”

Sidoo kale sarkaalkan oo hadda ka tirsan qeybta booliska Soomaaliya ee Galmudug, isla markaana ka mid ahaa saraakiishii ay wareejisay Ahlu-Sunna ayaa noo sheegay inay qabaan tuhun ah inuu ka dacwooday Madaxweyne Qoor Qoor oo qorshaha socda uu yahay dalab isaga ka yimid.

Tan iyo markii uu xilka la wareegay Madaxweyne Qoor Qoor iskuma fiicneyn isaga iyo saraakiishii Ahlu-Sunna, taasina waxay ku kaliftay in dowladda dhexe uu ka dalbado ciidamo Haramcad ah, si uu u helo ciidan toos uga amar qaata.

Taliska guud ee booliska Soomaaliya ayaa 29-kii bishii dhamaatay soo saaray warqad lagu amray saraakiishaan inay ku soo xaroodaan dugsiga Jeneraal Kaahiye, iyadoo warqadaas lagu socod siiyey qeybta guud ee booliska Galmudug iyo akadeemiyada  booliska ee Jeneraal Kaahiye.

“Danta shqada Qaranka awgeed, saraakiisha magacyadoodu hoos ku qoranyihiin oo ka kala tirsan mid kasta fadhiga ku hor qoran, waxay tababar ugu xaroo doonaan Akadeemiyada booliska ee Gen. Kaahiye, laga bilaabo 10-12-2020” ayaa lagu yiri warqadda Taliska guud ee booliska Soomaaliya.

Sidoo kale Taliyaha Akadeemiyada booliska ee Gen. Kaahiye ayaa lagu faray warqadaan in saraakiishaas markii ay soo gaaraan uu u xareeyo tababar, isla markaana uu u diyaariyo jiid, cunno, macalimiin, garoon iyo wixii kale ee xuquuq ah.

Arrintan ayaa loo maleynayaa inay la xariirto doorashada ka dhaceysa dalka, waxaana ka dhalatay hadal heyn badan, iyadoo dadka ugu badan ee ka fal-celiyey ay tilmaamayaan in saraakiishaan ay badankood isku heyb yihiin oo ay ka soo wada jeedaan Habargidir.

Saraakiishii la shaqeyn jiray Ahlu-Sunna ayaa aad ugu xeel dheer arrimaha ammaanka, waxayna caasimada Galmudug ee Dhuusamareeb iyo deegaanada kale marar badan ku fashiliyeen qorsheyaal ay wateen Al-Shabaab, taas oo inta badan deegaanada Galmudug ka dhigtay kuwo ka caagan dhagaraha Al-Shabaab.

Sidoo kale intii uu xukunka joogay Madaxweyne Qoor Qoor waxay marar badan ku guuleysteen inay soo qabtaan rag baxsad ah oo qaarkood demiyo ka geystay magaalooyin ay ka mid tahay Muqdisho.

Hoos ka akhriso magacyada saraakiisha

1.jpg 2-1.jpg 3.jpg

The post Xog: Saraakiisha Ahlu-Sunna oo Muqdisho looga yeeray iyo cabsi ku saabsan in xeelad loo degay first appeared on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this