Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoomiye Cirro Oo Ka Qeyb-galay Munaasibad Ballaadhan Oo Loo Qabtay Musharax Daa’uud Food-Cadde

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro iyo masuuliyiin sare oo ka tirsan Xisbiga ayaa ka qayb galay munaasibad balaadhan oo lagu shaacinayay Musharraxnimada Daa’uud Xuseen Jaamac (Food Cadde) oo u taaggan doorashada Golaha Wakiillada Somaliland.
Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro oo hadal ka jeediyay madasha kulmisay Murrashax Daa’aad Food Cadde iyo taageerayaashiisa ayaa ku dheeraaday hal adaygga mucaaradnimo ee uu muujiyay muddadii uu ka tirsanaa Xisbiga WADDANI.

“Waxa ii farxad ah in aan garab taaganay mid ka mid ah dadkii ila soo halgamay ee Xisbiga WADDANI la soo halgamay oo ah Daa’uud. Daa’uud waa nin adag, waa nin adkaysi badan; axsaabta mucaaradku way dawlad may gaadhin oo 10 sanno ayuu ka mid ahaa xisbi mucaarad ah oo aan dhaqaale bixin, markaa duruufahaa adkaa ee xisbigu soo maray waxba kamay bedelin Daa’uud. Daa’uud waa ragga xisbiga ku tabcay taladiisana wax ku leh, maanta haddii uu damac yeeshay xisbigu wuu garab taaggan yahay dhammaantii.

Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI waxa uu sheegay in Murrashax Daa’uud Food Cadde yahay shakhsi ku habboon jagada xildhibaannimo ee uu u taaggan yahay “Murrashax Daa’uud wuxuu halkan ka caddeeyay in halgankiisu yahay in uu dalkan naftiisa u huro oo sharciga ku adkaado oo anigu haddii aan madaxweynaha ahay oo aan khaldamo iga soo horjeesto waanan ku ammaanaya,” ayuu yidhi Mudane Cabdiraxmaan Cirro

Guddoomiyaha ayaa ugu dambeyn taageerayaasha Murrashax Daa’uud Food Cadde iyo guud ahaan bulshada Somaliland ku boorriyay in ay is diwaangeliyaan si ay uga qayb qaataan doorashada soo socota, islamarkaana u dooran karaan wakiilladooda goleyaasha Wakiillada iyo Goleyaasha Deegaanka ku meteli doona.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this