Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog laga helay habka uu ku dhintay sarkaalkii CIA-da looga dilay Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Sarkaal ka tirsanaa hay’adda sirdoonka Mareykanka ee CIA oo bishii hore bartankeedii lagu dilay Soomaaliya, ayaa waxa kasoo baxaya faah-faahino dheeriya oo la xiriira qaabkii loo dilay sarkaalkaasi.

Sarkaalka la dilay ayaa waxa uu ka tirsanaa qeybta ciidamada sida militariga u tababaran ee CIA-da, waxa kale oo uu horey uga tirsanaan jiray ciidamada xulka ah ee Mareykanka ee loo yaqaan SEAL Team 6.

Sida ay baahisay wargeyska The Guardian, sarkaalkan ayaa la dilay xili uu ku jiray howl-gal ka dhan ahaa Sarkaal ka tirsan Al-Shabaab oo lagu tuhmayey inuu mas’uul ka ahaa weerar lagu dilay Askari Mareykan ah oo sanadkii hore ka dhacay Kenya.

Saraakiil ka tirsan Sirdoonka Soomaaliya oo la hadlay wargeyska ayaa sheegay in howl-galka uu ku geeriyooday sarkaalka Mareykanka ah ay si wada-jir ah u fulinayeen ciidamo gaar ah oo isku dhafa, kuwaasi oo isugu jiray Soomaali iyo Mareykan.

Weerarka lagu khaarajiyey Sarkaalka Amerikanka ah ee magaciisa la qariyay ayaa ka dhacay degaanka Gendershe, oo ah tuulo xeebeed qiyaastii 30 mayl dhanka koonfur-galbeed ka xigta caasimada Soomaaliya ee Muqdisho. 

Dagaalyahanada Al-Shabaab ayaa ku guuleystay inay xili habeen ah 6-dii bishii November ee sanadkan ay miino ku qarxiyaan gaari ay saarnaayen ciidamadaasi, kaasi oo ay ku naf waayeen Sarkaalka ka tirsanaa CIA-da Mareykanka iyo Saraakiil kale oo Soomaali ah.

“Saraakiisheenna oo taageero ka helaya saraakiisha Mareykanka ayaa waxaan ku duulnay 2:00-Am habeenimo. diyaarado, iyada oo askarteena lug ku tageen duurka ka hor inta uusan qarax weyn dhicin oo lagu dilay  saaxiibkeen Mareykanka ahaa iyo afar ka mid ah saraakiisha Ciidamada Soomaaliya” ayuu yiri Sarkaal ka tirsan sirdoonka Soomaaliya oo la hadlay The Guardian.

Sidoo kale waxa uu sarkaalku sheegay in howl-galkaasi uu yimid kaddib markii la helay macluumaad sheegaya in seddex saraakiil sar-sare ah oo ka tirsan Al-Shabaab ay habeenkaasi ku sugan-yihiin degaanka Gendershe ee duleedka Marka.

Waxa kamid ahaa saraakiishaasi sida uu sheegay Sarkaalka la hadlay The Guardian, Cabdullaahi Cismaan Maxamed oo ah khabiir sameeya waxyaabaha qarxa, sidoo kalena la rumeysan yahay inuu mas’uul ka ahaa qaraxyo badan oo ka dhacay gudaha Soomaaliya, kaasi oo galaaftay nolosha boqolaal rayid.

Maxamed, oo sidoo kale loo garan ogaa “Injineer Ismaaciil”, ayaa dhawaan dowladda Mareykanku waxay ku dartay liiska waxa loogu yeero “argagixisada caalamiga ah”, iyada oo si gaar ah looga xayirayo wixii hanti ah ee uu ku lahaan karo gobollada Mareykanka, isla markaana ka mamnuucaya dadka Mareykanka ah inay wax ganacsi ah la yeeshaan.

“Sarkaalkaasi waxa uu yahay 36-jir khabiir sare oo Al-Shabaab u qaabilsan walxaha qarxa, madaxa garabka warbaahinta ee Al-Shabaab iyo lataliyaha muhiimka ah ee Axmed Diiriye oo ah, hogaamiyaha Guud ee Al-Shabaab” ayaa lagu yiri warbixinta Mareykanka.

Maxamed ayaa sidoo kale loo haystay inuu maleegayay weeraro is xig-xigay sanadkii la soo dhaafay, oo ay ku jiraan weerarkii bishii January ee sanadkan lagu qaaday xero milatari oo ku taal Kenya, oo lagu dilay askari Mareykan ah iyo labo qandaraasle Mareykan ah.

CIA-da Mareykanka ayaa inta badan Soomaaliya ka fulisa howl-gallo qarsoodi ah, oo badankood lagu fuliyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee drone-ka ee duqeymaha la beegsada haggaamiyayaasha kooxda Al-Shabaab.

The post Xog laga helay habka uu ku dhintay sarkaalkii CIA-da looga dilay Soomaaliya first appeared on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this