Sign in to follow this  
Deeq A.

Muqdisho: Nin Hooyadii Dilay Oo Isna La Dilay

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Muqdisho)-Dhacdo naxdin leh ayaa shalay ka dhacday degmada Kaaraan ee magaalada Muqdisho, kaddib markii Cabsiye Caddaan uu hooyadii ku dilay gurigooda oo ku yaalla agagaarka cisbitaalka Keysaney.

Ninkan ayaa la sheegay in hooyadii uu u dilay boos dhaxal ah oo uu ka dalbaday in loo iibiyo, hase ahaatee loo diiday.

Ninkan ayaa dilka hooyadii u adeegsaday tooreey, oo uu dhowr jeer qeybaha sare jirkaka geliyay, sidaasna ay hooyadii u geeriyootay.

Ehelada qoyska dhacdadan argagaxa leh ku dhacday ayaa sheegay in ninka dilka geystay uu isticmaalay waxyaabaha maanka dooriya.

Sidoo kale waxaa dhacdadan ku dhaawacmay wiil deris la ahaa qoyska, oo u soo gurmaday hooyada uu tooreyda la dhacayay wiilkeeda.

Ciidammada amniga degmada Kaaraan oo goobta soo gaadhay ayaa waxay toogteen wiilka, iyaga oo doonayay inay qabtaan, balse uu tooreey la soo aaday ciidammada.

Ninka ayaa la sheegay inuu markii dambe u geeriyooday dhaawaca ka soo gaadhay rasaas ciidammada amniga ku rideen.

Dhacdada uu ninkaasi ku dilay Hooyadii ayaa si weyn looga hadal haayay, waxaana dhacdooyinka noocaan ah ku soo badatay magaalada Muqdisho.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this