Sign in to follow this  
Deeq A.

Xukuumadda Soomaaliya oo markale eedeymo u jeedisay dowladda Kenya

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiirka cusub ee warfaafinta xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, Cismaan Dubbe oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay arrimo dhowr ah oo ku aadan xiriirka sii xumaanaya ee dowladaha Soomaaliya iyo Kenya.

Cismaan Dubb ayaa sidoo kale faah-faahiyey tallaabadii ay dowladda Soomaaliya ugu yeeratay safiirkii u joogay Nairobi, kuna amartay inuu dalka isaga baxo midkii Kenya.

Wasiirka ayaa Kenya ku eedeeyey in aanay ka muuqan deris wanaag, wuxuuna tilmaamay inay hun-guriyeyneyso dhulka iyo badda Somalia, sida uu hadalka u dhigay.

Dubbe oo hadalkiisa sii wata ayaa shaaca ka qaaday in Nairobi ay noqotay meesha looga soo duulo dalka, isaga oo tusaale u soo qaatay siyaayiinta isugu taga halkaasi.

“Nairobi waxay noqotay meesha Soomaaliya lagaga soo duulo, lagana noqdo heshiisyada lagu gaaray Soomaaliya, lagana soo abaabulo rabshadaha siyaasadeed oo ee la rabo in lagu carqaladeeyo dowladnimada dhismeysa ee dalkeena,” ayuu yiri.

Xiriirka Soomaaliya iyo Kenya ayaa sanadihii u dambeeyey mid aad u hooseeya, waxaana labada dal ka dhexeeyey khilaaf ka soo billowday dacwadda badda ee ICJ.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this