Sign in to follow this  
Deeq A.

XOG: Guddoomiyaha Baarlamanka Puntland oo ay mooshin ka wadaan in ka badan 28 mudane

Recommended Posts

Deeq A.   

In ka badan 28 xubnood oo ka tirsan Baarlamanka Puntland, ayaa doonaya in ay mooshin ka gudbiyaan Guddoomiyaha Baarlamanka Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, sida ay xaqiijiyeen mudanayaal diiday in magacyadooda la xigto.

Xildhibaannadaas oo u badan xubnaha laga soo doorto Sool, Sanaag iyo Bari, ayaa Guddoomiyaha ku eedaynaya, in uu ku xad-gudbay Xeer-hoosaadka Golaha iyo Dastuurka Puntland, uuna kala qaybiyay mudanayaasha Baarlamanka.

Sidoo kale, waxay ku eedaynayan in uu Baarlamanka u af-duubay xukuumadda Puntland, taasina ay keentay isku milan ku dhacay Golayaasha dowladda Puntland ee Fulinta (The Executive) iyo Xeer-dejinta ( The legislature).

Xubno ka tirsan mudanayaasha mooshinka wada, waxay Puntland Post u sheegeen in ay weli sugayaan xildhibaanno fasax kaga maqan, islamarkaana ay mooshinka gudbin doonaan markii ay ku soo biiraan xildhibaannada maqan.

Sidoo kale, waxa socda dadaal xooggan oo Madaxweyne Deni uu ku bixinayo in la baajiyo mooshinka, inkastoo weli uusan ku guulaysan dadaalkiisa ku wajahan xallinta muranka u dhexeeya xildhibaannada iyo Guddoonka.

Fadhiga Golaha Wakiilada Puntland, oo uu saameeyay khilaafkaas, ayaa kooram la’aan u furmi waayay shalay, iyadoo saakana uusan weli furmin, maadaama uusan kooramku buuxsamin.

PUNTLAND POST

The post XOG: Guddoomiyaha Baarlamanka Puntland oo ay mooshin ka wadaan in ka badan 28 mudane appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this