Sign in to follow this  
Deeq A.

Hoggaanka sare ee HirShabelle oo kulamo ka wada Beledweyne

Recommended Posts

Deeq A.   

Yusuf Axmed Hagar (Dabageed) oo ah madaxweyne ku xigeenka maamulka HirShabelle ayaa xalay kulan gaar ah la qaatay guddoomiyaha baarlamaanka maamulkaasi oo shalay gaaray magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya.

Kulanka oo saacado badan qaatay ayaa waaa looga hadlay arrimo ku aadan dardar-gelinta howlaha lagu horumarinayo dowlad gobaleedka HirShabelle.

Labada mas’uul ayaa sidoo kale si gaar ah kulankooda diirada ugu saaray, sidii xal waara looga gaari lahaa xiisada ka taagan Beledweyne ee ka dhalatay doorashadii HirShabelle.

Sidoo kale kulamada ayaa lagu ballamay inay sii socdaan, iyada oo ay ka qeyb-geli doonaan odayaasha dhaqanka, waxgaradka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

HirShabelle oo dhowaan ka soo baxday doorasho ayaa la kow-satay khilaaf dhanka maamulka ah iyo tabasho ay tirsanaayeen qaar ka mid ah beelaha gobolka Hiiraan.

 

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this