Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: Dibad-bax ka dhan ah Kenya oo laga abaabulayo Muqdisho iyo DF oo wadda qorshe cusub oo yaab leh

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa la filayaa in maalmaha soo socdo magaalada Muqdisho lagu qabto banaanbax lagu taageerayo go’aankii ay dowladda Soomaaliya ugu yeeratay safiirkeedii dalka Kenya, sidoo kalane ay fartay inuu wadatashi u aado dalkiisa kii Kenya.

Banaanbaxan ayaa qeyb ka ah qorshe sare loogu sii qaadayo xiisadda Soomaaliya iyo Kenya, oo hadda la rumeysan yahay inay qeyb ka tahay ololaha doorashada madaxweyne Farmaajo.

Wararka aan helnay ayaa sheegaysa in qorshuhu yahay in Madaxweynaha Soomaaliya ka qeyb galo, islamarkaana halkaas looga dhawaaqo go’aano adag oo ah in dowladda ay talaabo adag ka qaadi doonto qof kasta oo si ka duwan sida dowladda uga hadla arrimaha Kenya.

Dadka ay dowlada rabto in ay hadalkaan ku cadaadiso waxay u badan yihiin siyaasiinta mucaaradka ah, Xildhibaano ka tirsan baarlamanka iyo warbaahinta oo ka sameysay falanqeyn badan.

Dhincyo ka tirsan xoogaga wadaniyiinta, mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Gobalka Banaadir iyo saraakiil kale ayaa la sheegay in Villa Somalia ka dalbatay in la hakiyo ilaa amar dambe banaanbaxaas waxaana socda wadatashi ku saabsan go’aanka looga dhawaaqi doono.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, Xildhibaan Mahad Salaad, Xildhibaan Maxamed Xasan Idiris, hogaamiyaal kale oo ka tirsan mucaaradka iyo qaar kale oo bulshada kamid ah ayaa dowladda Soomaaliya ku dhaliilay go’aankii ay qaadatay oo lagu sheegay in ay tahay sabab la xariirta khilaafka kala dhexeeyo maamulka Jubbaland.

Dowladda Kenya ayaa taageereysay Axmed Madoobe tan iyo maalinkii uu xukunka yimid Farmaajo, iyo kasii hor, waxay intaas gaysatay tacaddiyo badan oo ka dhan ah shacabka Gedo, taasi oo dowladda federaalka aysan waxba ka qaban.

Jawaabta timid xilli ay laba bilood un ka hartay muddo xileedka Farmaajo ayaa la rumeysan yahay inay qeyb ka tahay qorshe ballaaran oo dowladda ay xasarad uga abuureyso Jubaland, waxaana qorshahaas qeyb ka ah in Axmed Madoobe meesha laga saaro.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ololihii doorashada 2017 ku galay naceybka Ethiopia, oo uu doorashadiisa kadib la saaxiibay, waxaana hadda qorshaha uu yahay in ololaha 2021 uu ku gal naceybka Kenya, sida ay sheegeen xubnaha mucaaradka

The post Xog: Dibad-bax ka dhan ah Kenya oo laga abaabulayo Muqdisho iyo DF oo wadda qorshe cusub oo yaab leh first appeared on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this