Deeq A. Posted December 1, 2020 Mudaharaadyo loogu soo horjeedo sicir bararka iyo diidmadii shallinka Soomaaliga ee dowladda ayaa ka dhacay magaalooyinka Boosaaso iyo Gaalkacyo ee Puntland. Boqolaal shacab ah ayaa isugu soo baxay qaar kamid ah waddooyinka Boosaaso iyo Gaalkacyo, kuwaas oo ka cabanaya maciishada oo sii qaaliyoobaysa iyo in aysan awood u lahayn in ay iibsadaan qutal daruurigii ay qosaskooda ku quudin lahaayeen. Sidoo kale mudaharaadayaasha ayaa diidanayaa tallaaabadii madaxweyne Deni qaaday ee ahayd in aan cashuurta dowladda lagu qaadi karin lacagta shillinka Soomaaliga. Dadka mudaharaadayay qaarkood ayaa sheegay in saaka suuqyada wax laga iibin waayay lacagtii ay heysteen ee shillilnka Soomaaliga, taasna ay ka dambaysay go’aankii dowladda ku diiday qaadashada Shilllin Soomaaliga Dhammaan magaalooyinka Puntland ayaa maanta laga diiiday qaadasho lacagta shallilnka Soomaaliga, kadib go’aankii shalay ka soo baxay madaxweynaha Puntland, waxayna dadkii haystay oo u badnaa danyarta iyo reer miyiga la’yihiin meel ay geeyaan. Boosaaso Gaalkacyo Boosaaso Gaalkacyo PUNTLAND POST The post Mudaharaadyo ka dhacay Boosaaso iyo Gaalkacyo appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites