Sign in to follow this  
Deeq A.

Buuq iyo gacan ka hadal hadheeyay xarunta barlamaanka Puntland,Yaase ka danbeeyay?

Recommended Posts

Deeq A.   
Buuq iyo gacan ka hadal hadheeyay xarunta barlamaanka Puntland,Yaase ka danbeeyay?
messenger sharing button
whatsapp sharing button
email sharing button
 20201130637423058264215287.jpg

Buuq iyo gacan ka hadal ayaa hadheeyay xarunta barlamaanka Puntland  kadib markii xildhibaano katirsan barlamaanka ay ka gadoodeen go’aan barlamaanku ka qaatay heshiiska Shirkada DP world.

Gacan ka hadalkaan ayaa yimid xilli uu barlamaanku ku guda jiray la xisaabtanka golaha wasiiradda xukuumada Deni, iyadoo uu gebi ahaanba istaagay kulankaas.

Guddoomiyaha barlamaanka Puntland Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, ayaa ku eedeeyay shan xildhibaan in ay ka dambeeyeen fowdadan, isagoo sheegay in ay suurtagali weyday in barlamaanku shaqadiisa sii wato.

“Waxaan hakiyey fadhigii maanta markii ay is-hortaag ku sameeyeen 5 Mudane habsami u socodkii Shaqada Gollaha,” ayuu yidhi guddoomiyaha barlamaanka.
Barlamaanka Puntland ayaa ajendaha ka saaray ka doodista heshiiska DP-world, iyagoo tixgaliyay codsi uga yimid madaxweyne Deni oo goor sii horeysay kulan qado ah la qaatay qaar kamid ah xildhibaanada oo ay isku olog yihiin.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this