Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: Qorshe ka dhan ah guddoomiye Cabdirashiid Jibriil oo ka socda Garoowe

Recommended Posts

Deeq A.   

Garoowe (Caasimada Online) – Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Puntland ayaa magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland ka bilaabay qorshe ka dhan ah guddoomiyaha baarlamaanka Puntland, kadib markii uu maanta buuq badan uu hareeyay kulankii golaha.

Xildhibaanada oo goordhoweyd warbaahinta kula hadlay magaalada Garoowe ayaa sheegay in guddoomiye Cabdirashiid Yuusuf Jibriil uu afduubtay golaha, isla markaana uu mas’uul ka ahaa wixii ka dhacay kulankii maanta.

Waxay ku eedeeyen guddoomiyaha baarlamaanka Puntland inuu gacan maroorsaday habsami u socodka howlaha & xarunta Baarlamaanka, isaga oo ciidamadiisa gaarka ah u adeegsada xildhibaanada, sida ay hadalka u dhigeen.

Sidoo kale waxay sheegen inuu kala qeybiyey golaha wakiilada Puntland, iyagoona ku eedeeyay in uu ka been sheego fadhiyada golaha oo siduu rabo ka yeelo.

Xildhibaanada ayaa ugu baaqay guddoomiye Cabdirashiid inuu baneeyo xilka, isla markaana uu is casilo ka hor inta aysan ka qaadin xilka, oo aysan ka keenin mooshin ka dhan ah.

Ugu dambeyntiina waxay si wada-jir ah dalab ugu jeediyeen Madaxweyne Deni, kaasi oo ay ka dalbadeen inuu la wareego sugid amniga xarunta baarlamaanka Puntland, oo uu ciidamo keensaday guddoomiyaha golaha, sida ay sheegen.

Arrintan ayaa imaneysa kadib markii lagu kala kacay kulankii ay maanta xildhibaanada baarlamaanka ku lahaayeen magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland.

Kulanka maanta ayaa waxa hareeyay buuq faro badan, iyada oo uu guddoomiye Cabdirashiid Yuusuf Jibriil oo qoraal kooban ka soo saaray arrintaasi, ayaa sheegay in kulankii maanta uu u hakiyey kadib markii ay buuq sameeyen shan mudane oo ka tirsan golaha.

The post Xog: Qorshe ka dhan ah guddoomiye Cabdirashiid Jibriil oo ka socda Garoowe first appeared on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this