Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: Kontoroollada Villa Somalia laga ilaaliyo oo la kordhiyay kadib markii…

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Kadib hanjabadii ka soo baxday midowga Musharaxiinta Madaxweynaha Soomaaliya waxaa la kordhiyay ciidanka ilaalada Madaxtooyada Soomaaliya, ayada si guudna loo adkeeyey ammaanka aagga Villa Somalia.

Ciidanka ilaalada Villa Somalia, gaar ahaan kuwa ku teedsan wadada hor marta Madaxtooyada ayaa lagu soo kordhiyay laba goob oo kale, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Goobaha ay ciidanka fadhiyaan ayaa kala ah Kontaroolka Xaawa Taako, mid cusub oo hadda la dhigay maqaayadda The Village ama albaabka beerta ku taalo xarunta Iskaashatada gaadiidka Gobolka Banaadir, Guriga Fiyooraha ee Fanaaniinta Qaranka, albaabka Akadeemiyada, Albaabka laga galo waddada aada madaxtooyada, mid cusub oo hadda la soo dhigay Taalada Axmed Gurey ama Masjidka Isbaheysiga iridkiisa iyo kontaroolkii Sayidka.

Goobaha aan soo sheegnay ayaa laba ka mid ah waxay yihiin kuwa cusub oo la soo dhigay maalmo ka hor. Dad badan ayaa is weydiinaya sababta loo soo kordhiyay ciidankaan xili waliba ay sii kordheyso walaaca doorasho iyo tan guud ee xaalada wadanka.

Maalmihii la soo dhaafay ayaa waxaa guud ahaan dalka ka taagan hadal heyn badan oo ah “in dalka uu ku sii socdo meel xun oo halis ah.”

Mucaaradka oo qoraal xasaasi ah soo saaray Khamiistii, marnaba kuma hanjabin rabshado, hase yeeshee cabsida taagan ayaa ah in wax kasta ay dhici karaan, haddii xaaladda ay faraha ka baxdo.

The post Xog: Kontoroollada Villa Somalia laga ilaaliyo oo la kordhiyay kadib markii... first appeared on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this