Sign in to follow this  
Deeq A.

“Reer Gabileyoow Murashaxiinta Qabyaalad Haw Eegina, Quruxdiinu Waxay Ku jirta Markaad…” Faysal Cali Waraabe

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe’ ayaa kormeeray Goobaha diwaangelintu ka Bilaabantay ee Magaalooyinka Gabiley iyo Arabsiyo Ku yaala oo saaka ilaa shalay so habsamiya bulshada deegaamada Ku dhaqani isaga Fiwaangelinayaan si ay u qaataan Kaadhka Codbixinta Doorashooyinka Somaliland ee horaanta sannadka 2021-ka Somaliland ka qabsoomi doonta.

“Reer Gabileyoow Murashaxiinta Qabyaalad haw eegina ee Quruxdiinu waxay Ku jirta Markaad Iska horaysiisaan Ka Samaroonta’ Ka Akishaa iyo Ka Madigaanka ah…” Eng. Faysal Cali Waraabe

Guddoomiye Eng. Faysal Cali Waraabe iyo Wefti balaadhan oo Xisbiga UCID ka tirsan oo hawlo shaqo gobolka Gabiley Ku joogo’ ayaa kormeeray Goobaha Sanaaduuqda Diwaangelinta Codbixiyayaasha ee Magaalooyinka Gabiley iyo Arabsiyo oo maalintii 2aad ay Kuyuuga Ku jiraan shacabka deegaanadaasi ee qaadanaaya Kaashka Codbixinta doorashooyinka Somaliland iyada oo dhamaan Goobaha diwaangelinta ee Weftiga UCID booqday uu Fariimo wacyigelino ah oo muhiimada inay shacabku si mug leh isku diwaangeliyaan Shacabku una qaataan Kaadhka Codbixinta doorashooyinka JSL.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this