Sign in to follow this  
Deeq A.

Nabaddoon caan ah oo lagu dilay Beledweyne

Recommended Posts

Deeq A.   
Marxuum-1.jpg?resize=645%2C581&ssl=1

Dableey hubeysan ayaa xalay Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan waxay ku dileen Nabadoon Caan ka ahaa Gobolkaas.

Nabadoonka oo lagu Magacaabi jiray Xasan Ibraahim Nuur (Xasan Tiyeegoow) ayaa xilliga la dilayay waxaa uu ku sugnaa xaafadda Howlwadaag ee magaalada Baledweyne sida ay sheegeen goob-joogayaal.

Kooxdii dilka gaystay ayaa goobta isaga baxsaday waxaana halkaasi gaaray Ciidamo ka tirsan Laamaha Amniga Beledweyne kuwaas oo hawlgal ka sameeyay xaafadda.

Ilaa iyo haatan ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda weerarka lagu dilay Nabadoonka inkastoo kooxda AL-shabaab looga dilalka noocaas oo kale ah.

PUNTLAND POST

The post Nabaddoon caan ah oo lagu dilay Beledweyne appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this