Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda Soomaaliya oo cayrisay Safiirka Kenya dibna ugu yeertay Safiirka Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   
5.jpeg?resize=696%2C385&ssl=1Safiirka Kenya Lucas Tumbo

Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa goor dhoweyd shaacisay, in ay dib ugu yeertay Safiirka Soomaaliya u fadhiya Kenya Danjire Maxamuud Axmed Nuur Tarsan, sida uu sheegay Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda.

Xoghaye Maxamed Cali Nuur, ayaa sidoo kale sheegay in dowladda Soomaaliya dalka ka ceyrisay Safiirka Kenya Lucas Tumbo, waxaana uu dowladda Kenya ku eedeeyay in ay fara-gelin ku hayso Arrimaha gudaha Soomaaliya.

Dawladda FS ayaa go’aankan qaadatay iyadoo ilaalinaysa madax banaanideeda Qaran, ka dib markii ay u muuqatay in Kenya si bareer ah ay u fara galinayso umuuraha gudaha Soomaaliya, gaar ahaan Jubbaland” ayuu yiri Xoghaye Maxamed Cali Nuur.

Dowladda Soomaaliya, waxay Kenya ku eedeysay in ay madaxweynaha Jubbaland ku cadaadinayso in uu fuliyo ajandaheeda siyaasadeed, taas oo carqaladaynaysa heshiiskii siyaasadeed ee doorashada Soomaaliya, islamarkaana ka hor imaanaysa hab dhaqanka diblomaasiyadeed ee dawladaha dariska ah.

Ugu dambayn, xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda arrimaha dibadd Maxamed Cali Nuur, ayaa xusay in dowladda Soomaaliya aysan marnaba aqbali doonin in Kenya fara-gelin ku samayso Arrimaha Soomaaliya.

PUNTLAND POST

The post Dowladda Soomaaliya oo cayrisay Safiirka Kenya dibna ugu yeertay Safiirka Soomaaliya appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this