Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoomiye Cirro Oo Maanta Magaalada Boorama Kaga Qayb-galay Bilowga Diwaangelinta Codbixiyayaasha+SAWIRRO

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro oo uu weheliyo Musharrax ku xigeenka Xisbiga Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi iyo ma’suuliyiin kale ayaa saaka gaadhay magaalada Boorama ee xarunta Gobolka Awdal oo ay saaka ka bilaamatay diwaangelinta codbixiyayaasha.

Weftiga Guddoomiyaha ayaa u kuur galay sida bulshadu isu diwaangelinayso waxa uuna booqday goobaha diiwaangelintu ka socoto, hawladeennada diiwaangelinta ayaa Guddoomiyaha uga xog-warramay habsami u socodka diwaangelinta, waxa uuna bulshada ku boorriyey in ciddii aan hore isu diiwaangelin iyo dhallinyarada qaan gaadhay qaatan kaadhka codbixinta kana faa’iidaystan fursaddan muhiimka ah ee mar kale dib loogu bilaabay diiwaangelinta.

Guddoomiyaha waxa socdaalkiisa ku weheliya mas’uuliyiin ay ka mid yihiin Afhayeenka Xisbiga Mr Barkhad Jaamac Batuun, Xoghayaha Arrimaha Gudaha Me Maxamed Faarax Cabdi, Xoghayaha Arrimaha Bulshada Mr Maxamed Sidiiq Dhamme, Guddoomiyaha Garabka dhallinyarada Heer Qaran Mr Cabdirashiid Cabdi Jaamac, Xoghayaha Gaarka ah ee Guddoomiye Mr Cabdilqaadir Iidle iyo mas’uuliyiin kale oo heer Gobol ah.

1-1.jpg 2-1.jpg 3.jpg 4.jpg 5.jpg 6.jpg 7.jpg 8.jpg 9.jpg 11.jpg 12.jpg 13.jpg 14.jpg 15-1024x575.jpg

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this