Deeq A. Posted November 29, 2020 Muqdisho (Caasimada Online) – Midowga musharraxiinta ee u taagan xilka madaxweynaha ee doorashada soo socota ee 2020/2021 ayaa haatan kulan xasaasi ah waxa ay ku leeyihiin hotelka Jaziira ee magaalada Muqdisho, kaas oo ah mid deg-dg ah. Kulankan oo ay inta badan ka qeyb-galayaan musharraxiinta dhowaan is-baheysiga sameyntay ayaa waxaa ay kaga hadlayaan waxyaabihii soo kordhay todobaadkan. Musharraxiinta ayaa si gaar ah diirada u saaraya xaalada cakiran ee doorashooyinka, adkeynta nabad-gelyada iyo sidii ay u xoojin lahaayeen walaaca ku aadan doorashada. Ilo ku dhow kulankaas ayaa sidoo kale Caasimada Online u sheegay in midowga musharraxiinta ay qorsheynayaan inay sameeyaan dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed oo hor leh, sida banaan-baxyo iyo kulamo siyaasadeed oo ka dhacaya magaalada Muqdisho. Qaar ka mid ah musharraxiinta ayaa sidoo kale laga dhageysan doonaa warbixino ku aadan safaro ay ku bixiyeen qaar ka mid ah magaalooyinka dalka, waxaana ka mid ah xubnahaasi Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ka soo laabtay magaalada Baydhabo. Sidoo kale wuxuu kulankan ku soo aadaya, iyada ay cirka isku sii shareertay xiisada siyaasadeed ee u dhexeysa mucaaradka iyo dowladda oo maalmihii u dambeeyey hawada isu marinayey dhaliilo xoogan iyo cambaareyn uu midba midka kale u jeeinayo. Xaaladda siyaasadeed ee dalka ayaa weli cakiran, waxaana muran xoogan uu ka taagan yahay guddiyada doorashada ee ay horey ugu dhowaaqday xukuumadda Soomaaliya. The post Musharaxiinta oo kulan deg-deg ah ku leh Muqdisho first appeared on Caasimada Online. Share this post Link to post Share on other sites