Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamada Itoobiya oo ‘la wareegay’ caasimadda Tigray ee Mekelle

Recommended Posts

Deeq A.   

War qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska Ra’isulwasaaraha Itoobiya ayaa lagu sheegay In Mekelle ay si buuxda gacanta ugu hayaan ciidanka Itoobiya taas oo calaamad u ah soo afjarida wajigii ugu danbeeyay howlgalka sharci soo celinta.

Qoraalka lagu sheegay in ciidanka ay sameeyeen arimo ay ka mid yihiin xaqiijinta siideynta maxaabiis ka tirsan taliska waqooyiga ee ciidanka Itoobiya kuwaas oo TPLF u xirnaa.

Ciidanka ayaa sidoo kale la wareegay goobaha muhiimka ah ee danta guud sida garoonka diyaaradaha iyo xafiisyada dowladda .

Booliska federaalka ayaa qoraalka lagu sheegay in ay iminka shaqadooda qabasanayaan iyaga oo soo qabanaya danbiila yaasha TPLF si sharciga loo marsiiyo.

TPLF wali arintan kama hadlin, balse waxay saakay qireen in ciidanka dowladda ay bilaabeen weerar ka dhan ah Mekelle.

Dagaalka waqooyiga Itoobiya ee u dhaxeeyay TPLF iyo ciidanka federaalka ayaa billowday afartii bishaan November ee sanadkan 2020-ka.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this