Sign in to follow this  
Deeq A.

Muqdisho: Macallin Ilkacase iyo shabakaddiisi oo dil lagu fuliyay

Recommended Posts

Deeq A.   

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya, ayaa saaka waxa ay xukun dil ah ku fulisay, Maxamed Xaaji Axmed oo Caan ku ahaa ( Macalin Ilkacase) iyo laba Xubnood oo kale oo ka tirsanaa Al-Shabaab.

Fagaaraha Dugsiga Tababarka Jeneraal Kaahiye ee Iskuul Bulusiya, ayaa saaka lagu toogtay  Maxamed Xaaji Axmed ( Macalin Ilkacase) iyo Axmed Maxamed Haashim iyo Saalim Siciid Maxamed, kuwaas oo lagu helay falal Argagixiso iyo Shabaabnimo.

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa 19-kii Bishii July ee sanadkii 2019, waxaa ay xukun dil toogasho ah ku riday Macalin Ilkacase & Xubno kale,kadib markii ay racfaan ka qaateen xukun dil ah oo horay loogu riday, kuwaas oo Maxkamadu sheegtay inay dilal qorsheysan iyo weerar kal geysteen Magaalada Muqdisho.

PUNTLAND POST

The post Muqdisho: Macallin Ilkacase iyo shabakaddiisi oo dil lagu fuliyay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this