Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: Kulan xasaasi ah oo Villa Somalia uga socda Farmaajo, Fahad, Rooble iyo Qoor Qoor

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar lagu kalsoon yahay oo ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in kulan xasaasi ah ay caawa madaxtooyada Soomaaliya ku leeyihiin madaxda ugu sarreysa dowladda federaalka iyo madaxwenaha Galmudug Axmed Qoor Qoor.

Kulanka ayaa waxaa goobjoog ka Madaxweyne Farmaajo, Ra’iisul Wasaare Rooble, iyo Fahad Yaasiin oo ah taliyaha nabad-sugidda, kuwaas oo la shirsan Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoorqoor.

Inkasta oo aysan caddeyn wax rasmiga ah ee kulanka looga hadlayo, haddana saraakiil ka tirsan Villa Somalia ayaa Caasimada Online u sheegay inay u badan tahay in looga xaajoonayo arrimaha doorashada, gaar ahaan guddiyada muranka dhaliyey ee musharaxiinta mucaaradka ay kasoo horjeesteen.

Kulanka ayaa imanaya laba maalmood kadib markii mucaaradka ay dalbadeen in guddiyadaas wax laga beddelo, sidoo kalena uu is-casilo Fahad Yaasiin, iyo qodobo kale oo dhowr ah.

Qoor Qoor ayaa horey uga ballan-qaaday musharaxiinta mucaaradka inuu beddelayo guddiyada doorashada ee Galmudug, oo la rumeysan yahay inay soo magacowday dowladda federaalka, balse uu magaciisa un ka saxiixay, balse wuxuu shuruud ka dhigay in maamullada kalena ay sidaas oo kale ay sameeyaan.

Si kastaba, kulanka caawa ka socda Villa Somalia ayaa meesha ka saaraya rajadii yareyd ee laga qabay in Qoor Qoor uu kusoo laabto dhex-dhexaadnimo kana soo baxo gacanta Villa Somalia, mana cadda sida ay mucaaradka ugu kalsoonaan karaan tallabo kasta oo uu qaado hadda kadib.

The post Xog: Kulan xasaasi ah oo Villa Somalia uga socda Farmaajo, Fahad, Rooble iyo Qoor Qoor first appeared on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this