Buuxo Posted December 20, 2009 Hees condemning the bombing of the graduation ceremony in Hotel Shamo QALQAL NAGU BEER QARAXII LALA BEEGSADAY ARDAYDII QALIN JABINEYSAY QASAARAHA NA GAARAY WAA MIDAAN QIILNA LOO HEYNE CUMAR HAASHI QAARAJIYE WAAYEEL QAARAJIYE DAAUUD DIRIR QAARAJIYE IYO QAAR KALOO BADANE QURAAN RUUGII INA CADOW WAA KAA QOORTA LAGA GOOYAY DATOORADII WAX QALI JIRAY IYO QAMARNA MAY DHAAFIN QUMBULAD KOLAAD LA DHACDO RABOW WAX KA QABO QOOMKII SIDAAN YEELAY QAYLO DHAAN WAAWAREY QAYLO DHAAN WAAWAREY QAAIMUL WADDAN DALAALAA HADBA SOO QASAAYOO QEYBI OO XUKUN BAA QORSHUHU YAHAYE QAYLO DHAAN WAAWAREY QAYLO DHAAN WAAWAREY QIIL DAMBIYO MA HARIN DIIN LAGU QARAABTAAYE QURAC JABAY SIDIISI QARANKU MA U LIICAY QABRIGOON GALNAA DHAANTA QAABKA AAN NAHAYE QUMAATI U TOOS SOOMAALIYEY WAAD QALIBANTEENE Quote Share this post Link to post Share on other sites
Abtigiis Posted December 20, 2009 Originally posted by *Buuxo*: QURAAN RUUGII INA CADOW WAA KAA QOORTA LAGA GOOYAY This part really moved me. ALSHABAB's murder of Professor Ibrahim Cadow ( and many others of course) was the single most tragic news I heard for a decade! Quote Share this post Link to post Share on other sites
Maaddeey Posted December 20, 2009 Originally posted by Abtigiis & Tusbax: ALSHABAB's murder of Professor Ibrahim Cadow Waryaa, Tusbax beenta jooji oo dembi aan caddeyn dad ha saarin, laakiin nin Nabi Muxammad warkiisa: 'waa diiday' yiri, maxaad ka filan? Quote Share this post Link to post Share on other sites
Kamaavi Posted December 20, 2009 ^ Heesta ma dhagaystay maadeeye? Buuxo thanks habo for sharing. Quote Share this post Link to post Share on other sites
hodman Posted December 20, 2009 QURAC JABAY SIDIISI QARANKU MA U LIICAY QABRIGOON GALNAA DHAANTA QAABKA AAN NAHAYE QUMAATI U TOOS SOOMAALIYEY WAAD QALIBANTEENE subxannallah how true Quote Share this post Link to post Share on other sites
Maaddeey Posted December 20, 2009 ^Maya, maxaase iska quseeya dhegysigeeda & waxaan sheegay? Quote Share this post Link to post Share on other sites
Abtigiis Posted December 20, 2009 Originally posted by Maaddeey: quote:Originally posted by Abtigiis & Tusbax: ALSHABAB's murder of Professor Ibrahim Cadow Waryaa, Tusbax beenta jooji oo dembi aan caddeyn dad ha saarin, laakiin nin Nabi Muxammad warkiisa: 'waa diiday' yiri, maxaad ka filan? Maadeey, perhaps this Takfiri tendency of yours explains why you support AlShabab. Xageen Nabi muxamed (SCW) warkiisaan diiday ku idhi? Waa Gaal inaad tidhaa ayaa xigta soow ma aha? Waryaa aniga hadaan la i janayn cidda la janayn garamnaayo saa wixii daa la yidhina daayey, wixii yeel la yidhina yeelay. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Kamaavi Posted December 20, 2009 Originally posted by Maaddeey: ^Maya, maxaase iska quseeya dhegysigeeda & waxaan sheegay? Cadow waa halkiisa. Heestase waxaa kaloo ku cad in Cumar xaashi la qaarajiyey. Taas lyrics ma ka akhriday? Quote Share this post Link to post Share on other sites
Maaddeey Posted December 20, 2009 Originally posted by Dajiye: Heestase waxaa kaloo ku cad in Cumar xaashi la qaarajiyey. Taas lyrics ma ka akhriday? Heesna goormeey caddeyn noqotay?, weli Cumar Xaashi in la qaarajiyey yaa ka dooday?. Haa, Lyrics-ka waan ka aqriyey, mar dambena waan dhegeystay heesta, hees-se lama dhihi karo, wuxu waa war lagu qeyliyeyoo la jiid-jiiday, Dhacdada xanuunkeeda, Caadifada ayaase miraha xumaantooda qarinaaya. Saasoy tahay, ereyada qaar ayaa i soo jiitay: 'QALQAL NAGU BEER' 'QURAC JABAY SIDIISII QARANKI MOW LIICAY' 'QABRIGA OON GALLAA DHAANTA QAABKA AAN NAHAY' 'Soomaaliyeey toosa, KACA! waad qallibanteene' Ninka aad mooddo 'YUULKII "DON"' & Baytkiisaba looma baahna. Sidoo kale inkaartan: 'Qunbulad kolaad la dhacdo Rabboow wax ka qabo oo Qaladkan kuwa geystay' waa ka bad-badis. 'Qiil dambe muu harin & Diintoo lagu qaraabtaaye'na farriinta ay gudbineyso waan wada ognahay. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Abtigiis Posted December 20, 2009 Originally posted by Maaddeey: Sidoo kale inkaartan: 'Qunbulad kolaad la dhacdo Rabboow wax ka qabo oo Qaladkan kuwa geystay' waa ka bad-badis. Ma intaad dad aragtay ciddi dishay in la habaaro ayaa ka bad badis ah? Maadeey, saaxiib, show barashaa iigu kaa dhinayd? Aniga waadigii yidhi gaal baad tahaye gormaa la i qisaasi? Quote Share this post Link to post Share on other sites
Maaddeey Posted December 20, 2009 ^In la habaaro maahane, waa nooca habaarka, adigase farqi kuuma samaynayaan Waryaa aniga hadaan la i janayn cidda la janayn garamnaayo saa wixii daa la yidhina daayey, wixii yeel la yidhina yeelay. Compare that to: Asaxaabihii oo dhan baan, ehel wadaagnaaye Hadba anigu qoyskaan ahaa, loo irkanayaaye Nin Amxaara mooyee intii, edeg adduun joogta Islaameedku wuxuu ii yaqaan, ehelu kharykiiye Aakhiro albaabbada jannaan, agabsanaayaaye Xageen Nabi muxamed (SCW) warkiisaan diiday ku idhi? waad ogtahay meesha aan ka hadlayo, maaha? Quote Share this post Link to post Share on other sites
Abtigiis Posted December 20, 2009 Aniga aqqiro in la i odhan Puntland baad dacaayadaysay mooye in aan wax kale la ii qabsannayn waan hubbaa! Shareecada waan ogolahay laakiin ta Sheikh Sharif iyo Janaqoow. No, to the Alshabab, Turki and Xassen Dahir. Tan haweenka uun cadaadintooda loo adeegsadana No. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Maaddeey Posted December 20, 2009 Waryaa aniga hadaan la i janayn cidda la janayn garamnaayo saa wixii daa la yidhina daayey, wixii yeel la yidhina yeelay . Maxaa xigay?: Shareecada waan ogolahay laakiin ta Sheikh Sharif iyo Janaqoow. No , to the Alshabab, Turki and Xassen Dahir. Tan haweenka uun cadaadintooda loo adeegsadana No . waa Choice-kaaga sow maaha?. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Abtigiis Posted December 20, 2009 Not my choice. Disagreement over the interpretation of the essence and implementation of the Shareecaa is not confined to me. Adeer, xujeyn baad wadaa iyo sheeko gaaban oo framing ah. Diinta waa kula naqaan, waxa naga saari iyo waxa kalena waa kala ognahay. Kolaba Alshabab diintay wado in aan nasteex u arko ha ka yaabin. Waa Tuug caadi ah. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Maaddeey Posted December 20, 2009 Originally posted by Abtigiis & Tolka: It is the law that I am saying MUST be interpreted differently. It is cruel and inhuman to kill someone with stone and we are ordered to kill animals in a way that minimises their suffering. Surely, we can't do the opposite for humans. My problem is not with the procedure, it is with the law itself. Adeer, hadalkaagan ma aha:'Disagreement over the interpretation' waa diidmo qayaxan!, Diinta waa aqaan waadiga lehe, bal keen hal Caalim oo adiga hortaa yiri: In dhagax lagu dilo Macsilow guur soo maray waa cadawtinimo!?, FYI, Qolodii ugu horreysay ee Axaadiith-ta xukunkeeda diidda waa Khawaarij, see the irony here?. Waa Ijmaac Xugunkaan, qofkii isagoo og diida Ijmaacana waa ku gaaloobayaa 'WAMAN YUSHAAQIQI RASUULA MIN BACDI MAA TABaYYANA LAHULHUDAA WAYATABIC GHAYRA SABIILILMU'MINIINA NUWALLIHI MAA TAWALLAA WANUSLIHI JAHANNAMA WASAA'AT MASIIRAA'. Doodda jooji, waxan Siyaasad maaha, Please, baaritaan yar samee. Quote Share this post Link to post Share on other sites