Sign in to follow this  
Deeq A.

Golaha wakiilada Puntland oo go’aan ka gaaray arrinta DP World

Recommended Posts

Deeq A.   

Golaha wakiilada Puntland oo maanta kulan ku yeeshay Garoowe ayaa dood ka yeeshay heshiiska shirkadda DP World ee gacanta ku heysa dekedda Boosaaso.

Kulanka oo ahaa mid xasaasi ah ayaa waxaa shir guddoomiyey, gudoomiye Cabdirashiid Yuusuf Jibriil oo ay dhinac fadhiyeen ku xigeenkiisa koowaad, Cabdicaiis Cabdullahi Ismaan iyo ku xigeenkiisa labaad Mudane, Ismaaciil Maxamed Warsame.

Sidoo kale waxaa kulanka soo xaadiray illaa 49 Mudane, kuwaas oo marka hore loo gudbiyey codsi ka soo baxay madaxweyne Siciid Cabdullahi Deni oo ahaa in uu sii socdo dhameystirka heshiiska Puntland iyo P&O Port ( DP-World) ee Dekadda Boosaaso.

Dood dheer kadib xildhibaanada ayaa cod gacan taag ah geliyey in shirkadda DP World ay sii wado mashruuca lagu horumarinayo dekeddaasi, waxaana ogolaatay illaa 38 Mudane, mina jrin cid diiday, balse waxaana ka aamus 11 Mudane, sida uu ku dhawaaqay guddoonka sare ee baarlamaanka dowlad goboleedka Puntland.

Go’aanka ka soo baxay xildhibaanada Puntland ayaa u ogolaanayo DP World nay sii maamusho dekedda Boosaaso oo maalmihii u dambeeyey ay cabasho ka taagneyd.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this