Sign in to follow this  
Deeq A.

Xoogagga TPLF oo mar kale duqeeyay magaalooyin ka tirsan Eritrea

Recommended Posts

Deeq A.   

Xoogagga Tigray ee TPLF, ayaa mar kale xalay duqeeyay magaalooyin ka tirsan waddanka Eritrea, sida ay ku warrantay Warbaahinta Itoobiya.

Qaraxyo ayaa laga maqlay magaalooyinka Asmara, Dekemehari iyo Gemehalo Nefasit ee dalka Eritrea.

Qaraxyadaas ayaa warbaahintu ku sheegtay Gantaalo ay soo rideen TPLF, balse lama soo werin khasaare ay gaysteen.

Safaarada dowladda Mareykanka ee Asmara, ayaa muwaadiniinta Maraykanka ee ku sugan Eritrea ugu baaqday in aysan guryaha ka bixin.

Dhinaca kale, dowladda Eritrea weli wax war ah kama soo saarin Gantaalaha la sheegay in TPLF ku garaacday magaalooyi ka tirsan dalkaas.

PUNTLAND POST

The post Xoogagga TPLF oo mar kale duqeeyay magaalooyin ka tirsan Eritrea appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this