Sign in to follow this  
Deeq A.

Ra’iisul wasaare Rooble oo war ka soo saaray qaraxii Gelato Divino

Recommended Posts

Deeq A.   

Ra’iisal wasaaraha xukuumadda FS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka tacsiyeeyey geerida dhalinyaradii lagu dilay qaraxii is-miidaaminta ee lagu weeraray maqaayadda Gelatp Divino oo ku taalla dhanka wadada aada garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde.

“Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa ehelada dadkii ku dhintay qaraxii argagixisadu caawa la eegteen maqaaxi ay dad shacab ahi ku sugnaayeen magaalada Muqdisho. Eebbe ha u naxariisto inta dhimatay, dhaawacyadana Allaha bogsiiyo. Waa in aan u midownaa la dagaallanka argagixisada” ayuu yri Ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Qaraxaan ayaa waxaa ku geeriyooday ugu yaraan illaa 8 qof oo dhammaantood ahaa dhalinyaro ku maqaayaddaas xilliga uu dhacayey qaraxaa oo ahaa mid is-miidaamin ah.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this