Sign in to follow this  
Deeq A.

Wararkii ugu horreeyey ee khasaraaha qaraxa Gelato Divino

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararkii ugu horreeyey ee aan ka helnay khasaaraha qaraxii is-miidaaminta ee caawa ka dhacay maqaayadda Gelato Divino ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya inay ku dhinteen ugu yaraan 7 qof, ayada oo 10 kale ay ku dhaawacmeen.

Xogta khasaraaha ayaa waxaa Caasimada Online u xaqiijiyey goobjoogeyaal iyo ilo-wareedyo amni. Adeegga gurmadka deg degga ah ee Amin Ambulance ayaa sidoo kale xaqiijiyey geerida 7 qof iyo dhaawaca 10.

Caasimada Online ayaa sidoo kale ogaatay in qof ka tirsan dowladda Soomaaliya, gaar ahaa waaxda socdaalka iyo jinsiyadaha oo uu u qaabilsanaa safaaradda Soomaaliya ee Ethiopia.

Weerarka ayaa waxaa fuliyey qof soo qof soo xirtay jaakad waxyaabaha qarxa laga buuxiyey, kaasi oo gudaha u galay maqaaxida kadib is-qarxiyey.

Gelato Divino ma lahan waardiye hubeysan, waxaana albaabka jooga qof haysta gacan dhawaaqa oo dadka mariya. Qofka is-qarxiyey ayaa markii uu yimid goobta oo la isku dayey in gacankaas la mariyo, wuxuu xoog ku helay goobta kadibna durba is-qarxiyey.

Gelato Divino ayaa markii weerarka uu dhacayey waxaa ka jira mashquul xooggan, ayada oo sidan oo kale habeenada Jimcaha ay tahay meel aad u mashquul badan.

Waxaa goobta ku badan shaqaalaha dowladda iyo dadka ka ag dhow. Waxaa xitaaa mararka qaar taga xildhibaano ka tirsan baarlamanka federaalka Soomaaliya.

Wixii kusoo kordha kala soco Caasimada Online, Insha Allah.

The post Wararkii ugu horreeyey ee khasaraaha qaraxa Gelato Divino first appeared on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this