Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiirka haweenka oo qaabishay ergeyga Norway ee Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiirka haweenka iyo horumarinta xuquuqda aadanaha Marwo Xaniifa Maxamed Ibraahim iyo ku xigeenka wasiirka Marwo Xiis Xassan ayaa xafiiska ku qaabishay Heidi Elburgi johansen oo ah ergayga gaarka ah ee dawladda Norway u qaabilsan arrimaha soomaaliya iyo wafdi ay hogaaminayso.

“Waxaan xafiiskeyga ku qaabilay ergayga gaarka ah ee dawladda norway u qaabilsan arrimaha Soomaaliya marwo Heidi Elburgi johansen iyo wafdi ay hogaaminayso waxaana kawada hadalnay xoojinta xuquuqda aadanaha gaar ahaan haweenka Soomaaliya.

Sidoo kale wasiir xaniifa Maxamed Ibraahim ayaa ammaantay xiriirka wanaagsan ee labada dal ka dhexeeya iyo taageerada dawladda norway ay siinayso xoojinta xuquuqda aadanaha iyo ka qayb galka haweenka ee siyaasadda.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this