Deeq A. Posted November 27, 2020 Ciidamada nabad sugida iyo sirdoonka qaranka ayaa xalay ku guulaystay inay gacanta ku dhigaan xubin ka tirsan Al-Shabaab oo waxyaabaha qarxa soo galiyey gudaha magaalada Dhuusamareeb oo fadhigoodu yahay maamulka Galmudug. Qaar ka mid ah dadka degmadaasi oo ku sugnaa goob maqaaxi ah ayaa gacan ka geystay qabashada eedeysanahaasi,ka dib markii ciidamada nabab-sugidda ay ku wargaliyeen ninkaasi oo walxaha qarxa la soo galay goobtaasi. Ciidamada amaanka magaalada ayaa waxa ay wadaan baaritaanno amniga lagu xaqiijinayo ninkii falkan lagu soo qabtay ayaa waxaa gacanta ku haya ciidamada nabad sugida iyagoo bulshada uga mahad celinayey, sida ay falkaasi uga hortageen ciidamadana u soo wargaliyeen. Waxaa dhamaanba saaka la adkeeyey sugida amniga magaalada waxaana socanaya baaritaan dheeri ah saraakiisha howlgalkan hogaaminaysa ayaa waxa ay xuseen in wixii ka soo baxa baaritaanadaasi ay dib warbaahinta kala wadaagi doonaan warbaahinta View the full article Share this post Link to post Share on other sites