Sign in to follow this  
Somalina

Diaspora Somali youth helping the orphans

Recommended Posts

Somalina   

Agoonta1.jpg

 

Dhallinyaro Soomaaliyeed oo lacag u soo ururiyay agoonta iyo dadka ku dhibaateysan dalka Soomaaliya

 

Isniin, September 13, 2010 (HOL) − Ururro ay leeyihiin dhallinyarada Soomaaliyeed ee ku nool waddanka Holland ayaa lacago saddaqo ah u soo ururiyay agoonta iyo dadkii ka barakacay dagaallada ee ku dhibaateysan gudaha dalka Soomaaliya.

 

Ururrada lacagtan soo ururiyay ayaa waxaa lagu kala magacaabaa Somali Next Generation (SNG) iyo Samowade, waxaana lacagta ay kasoo ururiyeen xarumaha ay Soomaalidu ku leeyihiin dalka Holland, sida dukaamada, masaajidda iyo weliba guryaha la daggan yahay.

 

Saddaqadan oo ururinteeda la bilaabay 21-kii August socotayna illaa 6-dii bishan September, ayaa ahayd mid ciidda looga farxinayay agoonta iyo dadka kale ee ku dhibaateysan Soomaaliya, waxaana la gaarsiiyay xarumaha loogu talogalay.

 

 

Agoonta2.jpg

Xarumaha deeqdan lacageed ee saddaqada ah la gaarsiiyay ayaa waxay kala yihiin: iskuul ku yaala Widh-widh, xarun lagu xannaaneeyo caruur agoon ah iyo xero ay ku nool yihiin dadkii ka barakacay dagaallada Muqdisho oo ku yaalla Gaalkacyo iyo laba xero oo mid ay agoon ku nool yihiin oo ku yaalla degmada Afgooye ee gobolka Shabeellada hoose.

 

Ururrada Somali Next Generation (SNG) iyo Samawade ayaa waxay lacagtan ay soo ururiyeen ugu talogaleen inay ku baraarujiyaan Soomaalida ku nool dalalka calaamka inay gacan siiyaan walaalahooda iyo agoonta ku dhibaateysan dalka Soomaaliya oo ay dagaalladu ka holcayaan.

 

Xarunta xannaanada agoonta Al-Nahreyn ee degmada Afgooye ayaa qaar ka mid ah u qaybisay agoon ay ku xannaaneyso xarun ay leeyihiin degmada Afgooye ee gobolka Shabeellda hoose.

 

Haddii aad doonayso inaad taakuleyso caruurta agoonta ah ee ay xannnaaneyso Al-Nahreyn kala xiriir cinwaannadan: Tel:+252-699-989977, +252-61-6726600 ama + 252-699-9714148 iyo Email: alnahreyn@gmail.com, bookoow@hotmail.com.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Juxa   

beautiful children, garabkooda allaha galo

 

it is wonderful feeling to be able and willing to give hand

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this