Somalina Posted September 13, 2010 Dhallinyaro Soomaaliyeed oo lacag u soo ururiyay agoonta iyo dadka ku dhibaateysan dalka Soomaaliya Isniin, September 13, 2010 (HOL) − Ururro ay leeyihiin dhallinyarada Soomaaliyeed ee ku nool waddanka Holland ayaa lacago saddaqo ah u soo ururiyay agoonta iyo dadkii ka barakacay dagaallada ee ku dhibaateysan gudaha dalka Soomaaliya. Ururrada lacagtan soo ururiyay ayaa waxaa lagu kala magacaabaa Somali Next Generation (SNG) iyo Samowade, waxaana lacagta ay kasoo ururiyeen xarumaha ay Soomaalidu ku leeyihiin dalka Holland, sida dukaamada, masaajidda iyo weliba guryaha la daggan yahay. Saddaqadan oo ururinteeda la bilaabay 21-kii August socotayna illaa 6-dii bishan September, ayaa ahayd mid ciidda looga farxinayay agoonta iyo dadka kale ee ku dhibaateysan Soomaaliya, waxaana la gaarsiiyay xarumaha loogu talogalay. Xarumaha deeqdan lacageed ee saddaqada ah la gaarsiiyay ayaa waxay kala yihiin: iskuul ku yaala Widh-widh, xarun lagu xannaaneeyo caruur agoon ah iyo xero ay ku nool yihiin dadkii ka barakacay dagaallada Muqdisho oo ku yaalla Gaalkacyo iyo laba xero oo mid ay agoon ku nool yihiin oo ku yaalla degmada Afgooye ee gobolka Shabeellada hoose. Ururrada Somali Next Generation (SNG) iyo Samawade ayaa waxay lacagtan ay soo ururiyeen ugu talogaleen inay ku baraarujiyaan Soomaalida ku nool dalalka calaamka inay gacan siiyaan walaalahooda iyo agoonta ku dhibaateysan dalka Soomaaliya oo ay dagaalladu ka holcayaan. Xarunta xannaanada agoonta Al-Nahreyn ee degmada Afgooye ayaa qaar ka mid ah u qaybisay agoon ay ku xannaaneyso xarun ay leeyihiin degmada Afgooye ee gobolka Shabeellda hoose. Haddii aad doonayso inaad taakuleyso caruurta agoonta ah ee ay xannnaaneyso Al-Nahreyn kala xiriir cinwaannadan: Tel:+252-699-989977, +252-61-6726600 ama + 252-699-9714148 iyo Email: alnahreyn@gmail.com, bookoow@hotmail.com. Quote Share this post Link to post Share on other sites
nemo Posted September 14, 2010 Mashallah...its time for the youth to lead and its time for these old men to retire for good! Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted September 14, 2010 This is great ....... and those contributed will Insha Allah be rewarded by Allah. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Maaddeey Posted September 14, 2010 ^Masha Allah. Dadkan oo kale ayaa la rabaa, qof walba wuxuu qaban karo umadda anfacaya ha qabto. Quote Share this post Link to post Share on other sites
GaroweGal Posted September 15, 2010 Masha Allah. Quote Share this post Link to post Share on other sites
NASSIR Posted September 16, 2010 Mashallah indeed! Quote Share this post Link to post Share on other sites
Juxa Posted September 16, 2010 beautiful children, garabkooda allaha galo it is wonderful feeling to be able and willing to give hand Quote Share this post Link to post Share on other sites
cynical lady Posted September 16, 2010 Can someone translate that please. Quote Share this post Link to post Share on other sites