Sign in to follow this  
Deeq A.

Sarkaal Ka Tirsan CIA-da Mareykanka Oo Lagu Dilay Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Muqdisho)-Sarkaal ka tirsan CIA-da Mareykanka oo ahaa rug cadaa ayaa lagu dilay Soomaaliya, sida ay xaqiijiyeen saraakiil Mareykan ah oo diiday magacooda in la shaaciyo.

Sida uu qoray Wargeyska New York Times, Sarkaalkan ayaa ka mid ahaa Xarunta CIA-da qeybta taakulada Ciidamada, waxaana lagu dilay dagaal ka dhacay gudaha Soomaaliya.

Lama sheegin goobta iyo waqtiga la dilay, hase ahaatee waxaa loo badinayaa inuu u geeriyooday dhaawac ka soo weeraray dagaal.

Arrintan ayaa mar kale dib u soo nooleyneysa doodo ku saabsan howlgalada argagixisada ee Mareykanka ka wado Afrika.

Donald Trump ayaa dhowaan amray in dalal ay ka mid tahay Soomaaliya laga soo saaro Ciidammada Mareykanka ee jooga.

Mareykanka ayaa waxaa Soomaaliya ka jooga in ka badan 700 oo askari, kuwaasoo tababaro siiya ciidanka dowladda Soomaaliya, kuwa AMISOM, sidoo kalena ka qeyb qaata dagaalada ka dhanka ah Al-Shabaab.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this