Sign in to follow this  
Deeq A.

Goormay go’aanno ka soo bixi doonaan shirka musharaxiinta ee Muqdisho?

Recommended Posts

Deeq A.   
WhatsApp-Image-2020-11-21-at-20.20.24.jp

Waxaan wali go’aanno ka soo bixin shirka maalintii shanaad magaalada Muqdisho uga socda qaar kamid ah musharraxiinta madaxweynenimada Soomaaliya ee doorashada 2021.

Maanta ayaa la filayay in shirkaas uu soo gabagoboobo oo ay ka soo baxaan go’aanno, basle dib u dhac ayaa ku yimid.

Ridwaan Xirsi Maxamed oo ahna afhayeenka midowga musharaxiin ku shirsan Muqdisho ayaa sheegay in shirka ay go’aano ka soo baxi doonaan berri galinka hore.

Musharaxiinta ku shirsan Muqdisho ayaa horey u sheegay in ay saluugsan yihiin habka loo maamulayo doorashada 2020/2021.

https://youtu.be/drmTxWXfpss

PUNTLAND POST

The post Goormay go’aanno ka soo bixi doonaan shirka musharaxiinta ee Muqdisho? appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this