Sign in to follow this  
Deeq A.

Faah faahino ka soo baxaya qarax ka dhacay Ceelasha Biyaha

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka naga soo gaarayo duleedka Muqdisho ayaa sheegaya in barqanimadii maanta qarax xoogan uu ka dhacay deegaanka Ceelasha Biyaha ee gobolka Sh/ Hoose.

Qaraxa oo ahaa nooca miinada ee dhulka lagu aaso ayaa lagu soo warramayaa in lala bartilmaameedsaday ciidamo ka tirsan kuwa Booliiska Soomaaliya.

Ciidamada la qarxiyey oo ka tirsanaa kuwa Haramcad ayaa la sheegay inay ilaalinayeen shaqaalaha iyo Injineerada dhismaha ka wada jidka dheer ee Muqdisho iyo Afgooye.

Wararka ayaa sheegaya in ugu yaraan 4 askari ay waxyeelo ka soo gaartay qaraxaasi, waxaana goobta gaaray ciidamo kale oo ka tirsan kuwa ammaanka Soomaaliya.

Inta badan Al-Shabaab ayaa weeraro loo adeegsado qaraxyo ka fuliso wadada xiriirisa gobollada Banaadir iyo Shabeelaha Hoose oo uu haatan ku socd dib u dhis ballaaran.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this