Deeq A. Posted November 25, 2020 Waxaa maalintii shanaad galay shirka musharraxiinta mucaaradka uga socdo magaalada Muqdisho, kaas oo looga hadlayo xaaladda dalka iyo doorashooyinka. Shirka ayaa waxaa maanta ka qeyb-galay agaasimeyaasha warbaahinta madaxa-banaan ee ka howl-gala magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya. Intiisa badan waxaa diirada lagu saaray arrimaha doorashada iyo sida loo wajahayo, maadaama ay warbaahintu tahay tan ugu horreysa ee u tabineyso bulshada kale. Sidoo kale waxaa shirka la’isku weydaarsaday talooyin ku aadan doorashada iyo wada-shaqeynta labada dhinac. Musharraxiinta ayaa horey ula kulamay ururada bulshada rayidka ah iyo culimada, iyada oo muhiimaddu ay aheyd inay qeyb ka noqdaan wada-tashiyada socda. Shirkan oo maalmo qaatay ayaa waxaa lagu wadaa in la soo gaba-gabeeyo saacadaha soo socda, iyadoo laga soo saari doono war-murtiyeed ku aadan doorashada. Halkan hoose ka daawo sawirrada:- View the full article Share this post Link to post Share on other sites